Iska iloow Mohamed Salah iyo Sadio Mane – Jurgen
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee uu soo tababaray intii uu tababaraha ku jiray isaga oo iska indha tiray Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo ah xiddigaha ugu fiican Liverpool.
- Advertisement -
Jurgen Klopp ayaa yimid Liverpool dhamaadka waqtigiisii Borussia Dortmund, laakiin waxaa ka sii horeeyay kooxdiisii hore ee Mainz.
Intii lagu jiray waqtigiisii hogaaminta, Klopp wuxuu tababaray ciyaartoy badan, mudadaas Dortmund ayaa gaartay finalka Champions League iyo horyaalka Bundesliga.
Guulihiisa ayaa sidoo kale soo jiitay guushii Liverpool ee finalka Champions League ee labada sano ee Real Madrid, halka Premier League loo gacan geliyay Reds xilli ciyaareedkii hore ka dib muddo 30 sano ah.
Wareysi uu siiyay jariirada Jarmalka ee BILD, Klopp ayaa wax laga waydiiyay xiddigii ugu fiicnaa ee uu soo tababaray intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed waxana uu markiiba ku dhamaaday weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski oo tababare u soo noqday kooxda Borussia Dortmund sanadihii 2010 ilaa 2014.
Jurgen Klopp ayaa yiri: “Robert Lewandowski waa ciyaariyahanka ugu fiican ee aan abid tababbaray. Waxay noqon doontaa cadaalad daro in loo sheego qof aan aheyn Lewy …”
Lewandowski ayaa si weyn loogu tixgeliyey inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku hogaamiyay Bayern Munich tartamada oo dhan wuxuuna dhaliyay in ka badan 50 gool.