“Isaga Waxba Kama Qaban Kartid, Bini-Aadanimo Maaha Sida…..”

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold ayaa ka faalooday sida uu ugu dhibtooday garabka weerar ee kooxda Wolves ee Adama Traore.

- Advertisement -

Alexander-Arnold ayaa ah mid kamida daafacyada ugu wanaagsan booskiisa dunida kubadda cagta balse waxa uu qirtay sida ay u adagtahay in laga hortago Traore oo caan ku ah xawaarihiisa aadka u sarreeya.

Labada xiddig ayaa saddex jeer iska horyimid, walow ay Liverpool garaacday Wolves dhammaan kulamadaas Alexander Arnold ayaa sheegay inaysan gabi ahaanba jirin wax laga qaban karo xawaarihiisa.

Trent oo la weydiiyay inuu xusho hal ciyaaryahan oo isku-geys ah oo uu ciyaaryahan kasta oo uu wax wanaagsan ku tuhmayo kasoo qaato waxaana uu sheegay inuu xawaaraha iyo orodka Traore ka qaadan lahaa isaga oo ku dhawaad waxaan dadnimo ahayn ku sifeeyay sida uu u jiho bedesho Traore marka uu ordayo.

TAA oo shabakadda Goal u warramayay ayaa yidhi “Ku dhawaad maaha dadnimo sida uu u boos bedelan karo ee uu u ordi karo, anigu abidkay aniga uu qof kahor tagaya maan dareemin awood la’aan sidaas ah”

“Dadku adiga way kaa dheeraynayaan, taasi waa mid hubaal ah balse naftaada boos wanaagsan ayaad joojin kartaa laakiin isaga iyo awoodiisaba ma jiraan wax aad ka qaban kartaa”

“Waxaan xasuustaa xilli ciyaareedkii hore markii uu Anfield yimid, wuu jeedsaday wuuna orday kaddibna wuu tagayba, waligay sidaas oo kale ma dareemin markaas kahor, waa inuu isaga noqdo (Xiddiga aan xawaaraha u xulanayaa) waa inuu isaga noqdo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More