Chelsea Oo Guul-darro Kasoo Gaarey Suuqa Iibka & Xiddigii Ugu Weynaa

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa jug weyni kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyga, waxaana dhabarka u jeediyey laacibkii ugu weynaa ee ay doonayeen in ay soo iibsadaan xagaaagan.

- Advertisement -

Chelsea ayaa markii ay ku guuleysatay tartanka Champions League, waxay calaamadsatay saddex ciyaartoy oo Thomas Tuchel uu doonayey in uu kusoo kordhiyo safkiisa, kuwaas oo lacagtoodana uu ka helay Roman Abramovich oo qalinka ku duugay 200 milyan oo Gini oo saddexdaas ciyaartoy uu ku keeni Stamford Bridge.

Weeraryahanka reer Belgium ee Romalu Lukaku ayaa ugu horreeya liiska ciyaartoyda ay doonayso Chelsea, waxaanu Thomas Tuchel u calaamadsaday laacibkan in uu noqdo weerarkooda tooska ah si uu uga caawiyo dhalinta goolasha.

Roman Abramovich ayaa isaguna ka badheedhay 28 jirkan oo ay hore u iibiyeen, waxaana ka go’an in uu kusoo celiyo London, hase yeeshee Lukaku ayaa xalay u quus-gooyey Chelsea iyo mulkiilaheeda, waxaanu u sheegay in aanay xisaabtooda ku darsanin.

Lukaku oo saddex sannadood oo uu joogay Stamford Bridge kaliya ciyaaray 15 kulan ka hor intii aanu Everton si rasmi ah ugu biirin, taas oo uu usii dhaafay Manchester United oo sannadkii 2019 uu uga sii gudbay Inter Milan oo uu wacdaro ka dhigay.

95 kulan oo uu u saftay Inter ayuu dhaliyey 64 gool, waxaana xilli ciyaareedkan loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka iyadoo uu xataa joogo Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay gool-dhalinta.

Si kastaba, Lukaku ayaa xalay ku dhawaaqay inaanu diyaar u ahayn in uu ku laabto Chelsea oo uu sii joogi doono kooxdiisa hadda ee Inter Milan, waxaanu yidhi: “Waan joogayaa. Waxa aan mar horeba xidhiidh la sameeyey ninka noqonaya tababaraha cusub. Wanaag ayaan ku dareemayaa Inter.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More