Labadii saaxiib ee hore ee dhowaanta noqday xafiiltameyaasha ee Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa mar kale maanta iskaga hor iman doona garoonka Etihad Stadium, halkaas oo ay labadooduba ay ugu dagaallami doonaan sidii uu mid walba guushiisa u gaadhi lahaa.Manchester City ayay ciyaartani u timid xilli ay waqti xun ku jiraan oo ay shan dhibcood oo kaliya ka shaqaysteen sagaalkii dhibcood ee suurtogalka ahaa, isla markaana ay kaalinta 10aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta kooxaha, halka Arsenal ay sagaal dhibcood haysato…