Caana-boorada loo soo dhoofiyo Soomaaliya ma

Soomaaliya  waxa ay  dibadda ka soo dhoofsataa badeeco Qiimaheedu ku kaco  $3.34 Bilyan sanadkii , arrinta layaabka leh waa in Caano-boorada ama caanaha budada ah ee loo soo dhoofiyo Waddanku ay ku kacdo lacag dhan $157 Milyan (Boqol Kontan & Todobo Milyan), iyada oo baahida iyo dalabka caanaha bududa ee dibadda ka yimaadaa ay kor u sii kacayaan, Kenresearch oo wax ka qortay kor u kaca dalbka caana-boorada Soomaaliya ayaa sababta ku sheegtay in waxsoosaarka Caanaha xoolaha Soomaaliya uu hoos u dhacay kaddib abaartii 2017 kadhacday Waddanka oo galaafatay nolosha 6.4 Milyan oo Neef oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari.

- Advertisement -

Sida uu shaaciyey Bangiga dhexe ee Soomaaliya sanadkii 2018 Badeecada Soomaaliya ka soo dhoofsatay dibadda  waxa ay gaartay qiime dhan 3,17o,000000 (Saddex Bilyan boqol & Todobaatan Milyan oo Dollar) taas oo 157 Milyan oo kamid ah ay ganacsatada Soomaaliya kusoo dhoofsadaan Caano-boorada.

Suuqa Caanaha budada ah ee Soomaaliya?

Caana-boorada (Milk Powder) ayaa Soomaliya ka helay dalab iyo baahi joogto ah oo horseedday in dibadda looga soo dhoofiyo lacag adag, taasna waxa sababay caanaha xoolaha oo aan helin mid lamid ah ama ku dhow dalabka iyo baahida Suuqa Caana-boorada, intii u dhexeysay sanadihii 2014-2019 ayuu aad u xoogeystay Suuqa caanaha budada ah ee Soomaaliya iyada oo ganacsatada Soomaaliya ka soo dhoofsatay Waddamo kamid ah Yurub iyo Bariga dhexe tiro aad uga sarreysa Caana-boorihii loo soo dhoofiyey Soomaaliya 2008-2013.

Xayeysiis iyo buunbuunin aad u sarreysa oo ay shirkadaha soo dhoofsada Caana-booradu u sameysteen Caanaha gasacadeysan ayaa horseeday in caanaha budadu ay qabsadaan Suuqyada Waddanka iyada oo ku celcelinta iyo xayeysiiska badan ee Caanaha bududu sii dhiirrigeliyey in tirada Isticmaalayaashu (consumers) sii kororto sidaas oo kalana ay baahida iyo dalabkuna kor u sii kacaan.

Sabab kale oo kordhisay Dalabka iyo baahida caana-boorada ayaa ah in dumarka carruurta Nuujiya ee shaqeeya ay doorbidayaan adeegsiga Caanaha bududa  oo sida ay la tahay ka sahlan Caanaha xoolaha dhinaca Keydinta iyo illaalinta , taasna waxaa aad u sii caawiyey Wadashaqeyn ku saabsan dhiirrigelinta adeegsiga Caana-boorada oo dhexmartay goobaha caafimaadka iyo shirkadaha soo dhoofsada caanaha bududa.

Sida ay Axadle Media u sheegeen Dukaanada sii qaybiya Caanaha bududu (Distributors) nuucyo kaladuwan oo ah Caanaha bududa ayaa qabsaday Suuqyada iyo Dukaanada waaweyn (Supermarkets) ee Waddanka, sanadkii 2019 waxaa aad kordhay una batay soo dhoofinta caanaha bududa sababtuna waa in Shirkadaha Yurub iyo Bariga dhexe ee soosaara caana-booradu ay Baqaarro waaweyn iyo shirkado u daabula caanaha dhinaca Soomaaliya ka furteen dalalka la dersika ah Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda sidaasna waxaa muujiyey Warbixinta Suuqa caana-boorada ee Soomaaliya oo ay daabacday Kenresearc.

Maxay Caanaha xoolaha ee Soomaaliya ula tartami la’yihiin caanaha bududa ee la soo dhoofiyo?

20 Sano oo dhoofka caanaha-budada iyo baahida loo qabo ay ku sii kordhayeen suuqayada Soomaaliya waxaa hoos u dhacayey waxsoosaarka Caanaha-xoolaha ee dalka sababo la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka oo aad u liita, awoodda Keydinta oo u baahan Koronto ama Layr oo aysan helin xoola-dhaqatada iyo ganacsatada caanaha xoolaha, maalgelinta waxsoosaarka caanaha xoolaha iyo aqoonta oo aad u hooseeyey iyo Shirkadaha soo dhoofsada caana-boorada oo awood badan geliyey in ay qabsadaan maskaxda Isticmaalayaasha caanaha islamarkaana sameystay Rukun sii kordhaya ayaa kamid ah sababaha aysan caanaha xoolaha Soomaaliya suuqayada ugu la tartami karin Caana-boorada.

Sabab kale oo saameyn ku reebtay waxsoosaarka caanaha xoolaha waxa ay ahayd abaartii dalka ka dhacday 2017 oo sababtay in ay dhintaan 6.4 Milyan oo ah Geel iyo Lo’ (Ishkin) iyo Ari, taas oo sababtay in Waxsoosaarka caanaha xooluhu hoos u dhaco 25% kaddibna Isticmaalayaal rukun u ahaa caanaha xoolaha ayaa u wareegay adeegsiga caanaha budada.

Haddaba haddii ay Soomaaliya soo dhoofsato caana-booro qiimahoodu ku kaco 157 Milyan islamarkaana aysan dibadda u dhoofin hal Liitar oo Caano ah maxay jirtaa in uu baaba’o Waxsoosaarka caanaha xoolaha ee Dalku?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More