Barkhad Batuun: Codad intee le’eg ayuu ka helay doorashada S…
Hargeysa (Axadle) – Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii u tartamayey golaha wakiilada Gobaladda Waqooyi ee ka sharaxnaa gobolka Maroodijeex ayaa kasoo muuqday liiska xubnaha u horeeya ee kusoo baxay natiijada horudhaca ah, isagoo noqday xubinta koowaad ee kasoo baxday xisbiga Waddani.
- Advertisement -
Guddiga doorashooyinka Gobaladda Waqooyi oo goor dambe oo caawa ah ku dhawaaqay natiijada horudhaca ah ee golaha deegaanka iyo wakiilada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegay in Barkhad Batuun uu kusoo baxay codad dhan 20,231.
Barkhad ayaa noqonaya xildhibaankii ugu codadka badnaa golaha wakiilada Gobaladda Waqooyi, maadama uu kusoo baxay tiro saddex jibaar ka badan xildhibaanada ay kasoo wada muuqdeen liiska musharaxiinta ku guuleysatay golaha wakiilada Gobaladda Waqooyi.
Barkhad oo kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Gobaladda Waqooyi ayaa tan iyo markii uu bilowday ololaha doorashada si weyn u hantay quluubta shacabta gudaha iyo dibedda, midaasi oo keentay in uu helo codad labaatan kun ka badan.
Natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ee la shaaciyey ayaa waxa uu xisbiga Waddani ka helay 7-Xubnood, waxa uu xisbiga Kulmiye helay 8-Xubnood, halka Ucid uu ka helay 5-Xubnood.
Natiijada la shaaciyey ayaa aheyd mid si weyn loogu dhag taagayey, maadama gobolka Maroodijeex uu yahay gobolka ay kasoo baxaan xubnaha ugu badan golaha, wuxuuna noqonaya gobolkii ugu dambeeyay ee Komishanka doorashooyinka Gobaladda Waqooyi uu shaaciyo natiijooyinkiisa si horudhac ah.