Zlatan Ibrahimovic Oo Dhaawac Soo Gaartey Iyo Fursaddii Uu Xulka
Weeraryahanka Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaawac lagaga saaray kulankii AC Milan ay xalay ku garaacday Juventus, kaddib markii uu jilibka wax ka noqday.
Ibrahimovic oo kubadda ku loollamaya ayaa si xun u dhacay, isla markaana garoonka toos uga baxay kaddib markii uu sii wadan kari waayey ciyaarta, waxaana lagu beddelay Ante Rebic.
Laacibkan ayaa bannaanka garoonka daqiiqado lagu daawaynayay, waxaana maanta la saari doonaa sawir, waxaase jira tuhun ah in uu seegi doono tartanka qaramada Yurub ee bisha June qabsoomi doona.
Goolal ay dhaliyeen Brahim Diaz, Rebic iyo Fikayo Tomori ayaa AC Milan ay ku heshay guul weyn oo muhiim u ah xilli ciyaareedkooda taas oo ay kusoo gashay kaalinta saddexaad isla markaana shanaad ugu dirtay Juventus.
Tababaraha AC Milan ee Stefano Pioli oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Ibrahimovic uu dareemayay xanuun jilibka ah, ciyaartana uu sii wadan kari waayey, waxaanu yidhi: “Ibra taam uma ahayn ciyaarta waxaanu xanuun ka dareemayay jilibka, waxaananu rajaynaynaa in aanu halis noqon {dhaawaciisu}.”
Zlatan Ibrahimovic oo dhowaan dib ugu soo laabtay xulka qarankiisa Sweden ayaa rajaynaya in uu ka qayb-galo tartanka qaramada Yurub ee bisha dambe ee June bilaabmaya.
Hore ayuu Jilibka dhaawac uga soo gaadhay Ibrahimovic waxaanu muddo badan ku maqnaa waqtigii uu joogay Manchester United ka ha hor intii aanu ku laabanin LA Galaxy.