Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Ee

1

Eder Milato iyo Toni Kroos ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska kulanka Sabtida la ciyaari doona Cadiz.

- Advertisement -

Difaaca reer Brazil ee Militao oo aan hal kulan kasoo muuqan xili ciyaareedkan iyo Toni Kroos oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay ku maqnaayeen, taas oo keentay in Zinedine Zidane uu kusoo daro liiska kooxdiisa.

Los Blancos ayaan kulankan heli doonin kubbad-sameeyaha reer Norway ee Martin Odegaard oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii xulka dalkiisa ee toddobaadkan, waxaana la sheegayaa inay yar tahay fursadda uu u heli karayo ciyaarta El Clasico ee usbuuc kaddib ay Barcelona martida ugu noqonayaan.

Real Madrid ayay dhibaato ka haysataa difaaca midig oo ay ka dhaawacan yihiin Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola, waxaana booskaas uu Zinedine Zidane u kala dooran doonaa Mendy, Nacho iyo Lucas Vazquez.

Goolhaye Thibaut Courtois oo uu isagana dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ayaa taam noqday, waxaana uu kusoo bilaaban doonaa ciyaartan.

Tababare Zidane ayaa kaliya kulankan aan haysanin afarta ciyaartoy ee Eden Hazard, Dani Carvajal, Alvaro Ordiozola, Mariano Diaz iyo Martin Odegaard oo xagga dambe kaga biiray liiska.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Cadiz:

Goolhayeyaal: Courtois, Lunin, Lucas Canizares

Difaaca: Militao, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Mendy

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Isco

Weerarka: Benzema, Asensio, Vazquez, Jovic, Vinicius Jr, Rodrygo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More