Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka

Zinedine Zidane ayaa shaaciyey 21 ciyaartoy oo uu u doortay kulanka caawa ee muhiimka ah ee ay ku qaabilayaan Inter Milan, taas oo ay uga baahan yihiin inay guul ka gaadhaan si ay usoo nooleeyaan rajadooda inay u gudbi karaan wareegga 16ka.

Warka wanaagsan ee uu Zidane helay ayaa ah inuu caafimaad qabo Lucas Vazquez oo uu kasoo kabtay dhaawac muruqa kasoo gaadhay Sabtidii, isla markaana uu taam u yahay ciyaartan.

Laacibkan reer Spain ayaa difaaca midig ka ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey, isaga oo buuxinayay booskan ay ka dhaawacmeen Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Nacho Fernandes oo dhamaantood ka maqan ciyaartan.

Martin Odegaard oo tababarka kooxda kusoo laabtay ayaan wali taam buuxa usoo noqonin inuu ciyaari karo, waxaase isaguna gebi ahaanba maqan difaaca reer Brazil ee Eder Militao oo uu ku dhacay xanuunka COVID-19 oo Axaddii laga dhex saaray ciyaartoyda kooxda, isla markaana la geliyey karantiil.

Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa kusoo daray laacibka da’da yar ee difaaca ah ee Sergio Santos oo Sabtidiina uu kusoo daray, waxaana uu da’yarkan kulliyadda kooxda uu kasoo dallacsiiyey uu fursad ka raadsan doonaa kulanka haddii ay waxyeello soo gaadho afarta difaac ee kaliya ee Zidane uu haysto.

Tababaraha reer France ayaa u wada yeedhay dhamaan weeraryahannada kooxda ee taamka ka noqday dhaawacyada, sida Mariano Diaz, Luka Jovic iyo Eden Hazard.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka 

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Sergio Santos.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More