YAAB: Man United Oo Cadawgeeda Man City Ka Caawinaysa Saxeexyada Jack

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay saxeexa Jadon Sancho oo ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund ay si dadban ugu hubaysay kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City iyo bar-tilmaameedyada ay ka doonayso suuqa.

United ayaa toddobaadkii hore Dortmund kala heshiisay saxeexa Jadon waxaana uu dhawaan garabka ree England maray tijaabada caafimaadka iyadoo ay hadhsan tahay kaliya in lasoo bandhigo.

Kooxda ka ciyaarta Old Trafford ayaa bixin doonta 73 Milyan oo pound waxaana qayb kamida lacagtaas toos u qaadan doonta Man City waana halka ay ka hubaynayaan kooxda tababare Pep Guardiola.

Sababta ay lacagtaasi u qaadanayso City ayaa ah inay Dortmund sanadkii 2017 markii ay ka iibinaysay Jadon Sancho kula heshiisay inay % ku yeelanayso iibka mustaqbalka ee ciyaaryahanka, qadarka ay helayso ayaa ah 11 Milyan oo pound.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, 11-kaas Milyan ee pound ayaa muhiim u noqonaya qorshayaasha suuqa ee Sky Blues ee xagaagan.

Pep ayaa doonaya inuu dhammaystiro saxeexyada Jack Grealish oo ah kabtanka Aston Villa iyo Harry Kane oo ah hoggaamiyaha Tottenham labadaba. Si kastaba saxeexyadooda ayaa 200 Milyan oo pound ugu yaraan noqonaya haddiiba aysan ka badan.

Marka laga yimaado inay lacag haystaan oo aysan dhaqaale ahaan xumayn, haddana City ayaa la sheegayaa inay doonayso inay marka hore iska iibiso xiddigaha kooxdeeda qaar waxaana ay badi iibinaysaa kuwa kuliyadeeda da’yarta ku jira si ay lacag uga samayso.

Sidoo kale City ayaa qaar kamida xiddigaha kooxdeeda koowaad u ogol inay baxaan waxaana kamid ah Riyad Mahrez, Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More