YAAB: Difaaca Faransiiska Ee Pavard Oo Xaqiijiyey Inuu Koomo Galay

Dood ayaa ka bilaabantay warbaahinta kaddib markii uu difaaca reer France ee Benjamin Pavard uu qirtay in uu koomo galay muddo 10 illaa 15 ilbidhiqsi ah kulankii xalay ay 1-0 ku garaaceen Germany.

Xulka qaranka Germany ayaa guul ku bilowday tartanka  qaramada Yurub iyagoo kaalinta labaad kaga jira Group-ka dhimashada ee F oo uu hoggaanka u hayo Boortaqiiska oo guul weyn ka gaadhay Hungry.

Les Bleus ayaa nasiibkoodu shaqeeyey markii kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Hernandes uu isku qabtay Mats Hummels, taas oo siisay saddexda dhibcood ee fursadda weyn ugu noqonaya inay kasoo gudbaan hormadan.

Dhacdada lala yaabban yahay ayaa waxay tahay, in Pavard oo si xun dhulka ugu dhacay markii uu dhabarka kaga yimid Robin Gosens in ay dhakhaatiirtu ugu yimaaddeen garoonka dhexdiisa, ayna ku daaweeyeen iyagoo bannaanka u saaray waqti kooban, kuna rusheeyey biyo.

Pavard oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay in uu koomo galay oo uu miyir la’aan ahaa waqti u dhexeeyey 10 illaa 15 ilbidhiqsi, laakiin haddana loo ogolaaday inuu sii wato ciyaarta oo uu dhamaystay.

“Naxdin dhab ah ayaa igu dhacday. Waxa aan hawada ka baxay (miyir beelay) toban ilaa 15 seken.” Ayuu yidhi Pavard.

Sida uu dhigayo sharcigu, laacibkan ayaya hayd in la beddelo, laakiin garsooraha kulanka iyo kuwa VAR ayaa intuba aan dareen fiican ka qaadanin arrintan.

Horyaalka Premier League ayaa xilli ciyaareedkii hore hirgeliyey sharci dhigaya in ciyaartoyga dawakha ee ay caddaato inuu koomo galay xataa waqti koobanna ha noqoto e in aan loo ogolaanin inuu sii wato ciyaarta, waxaana kooxda uu beddelku ka dhamaado loo ogolaanayaa inay sameeyaan beddel dheeraad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More