Yaa Ka Geeriyooday Manchester United Ee Ay Baroor-diiqda U

Diego Maradona ayaa geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd November 25 oo ku beegan isla maalintii uu dhintay halyey taariikh badan ku lahaa kubadda cagta oo muddo 15 sannadood laga  joogo geeriyooday.

Diego Maradona ayaa geeridiisa saddex maalmood oo baroor-diiq waddanku fasax yahay ah lagaga dhawaaqay Argentina iyadoo meydkiisana la geeyey Madaxtooyada oo maamuus qaran loogu sii samaynayo.

Dad badan oo iskugu soo baxay dariiqyada ayaa waxay ku labbisan yihiin dharkii uu xidhan jiray, iyadoo ay wajiyadoodana ka muuqato murugo oo ay ilmadu indhahooda qoysay.

Halka Argentina ay geeridan uga fadhiyaan, waddanka Ingiriiska waxa laga xusayaa sannad-guuradii 15aad ee kasoo wareegtay xiddigii ugu fiicnaa taariikhda waddankaas ee George Best.

Halyeygan England ayaa geeriyooday isla maalinta uu dunida ka baxay Diego Maradona ee November 25, waana sababta ay labada waddanba maanta ugu tahay maalin murugo.

Best oo u ciyaari jiray Manchester United ayaa waxa uu Red Devils u qaaday European Cup sannadkii 1968kii, waxaanay ajasiisu timid sannadkii 2005 iyadoo ay da’diisu ahayd 59 jir.

Si la mid ah Diego Maradona oo kale, George Best ayaa isaguna muddo dheer la qabatimay isticmaalka maandooriyeyaasha oo ugu dambayntii dhibaatadii kasoo gaadhay uu u geeriyooday.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa si weyn wax uga qortay geerida Diego Maradona waxaanay intooda badan soo qufayaan xumaantii uu lahaa iyo dhaqamadii bannaanada garoonka, iyadoo ay ka muuqato cadaawaddii ay u qaadeen goolkii gacanta ee uu ka dhaliyey semi-finalka Koobkii Adduunka 1986kii.

Dadka dhaliila warbaahinta ayaa sheegaya in Ingiriiska ay saxaafaddiisu illoobi la’dahay colaaddaas, illaa aakhirana ay kaga hadhi la’ yihiin.

Si kastaba, Diego Maradona iyo George Best waxay geeriyoodeen isku hal maalin oo ah November 25.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More