Yaa Gaadhi Kara? Xiddigihii Ku Tartamay Ballon d’Or 1998 Oo Illaa

Muddo 15 sannadood ah waxa kubadda cagta hor-fadhiyey labada ciyaartoy ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo intii ka dambaysay 2007 oo uu Ricardo Kaka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or iyaga uun iska  beddelayay marka laga reebo 2018 oo uu Luka Modric soo dhex-galay.

Sannad kasta, waxay ahaayeen tartameyaasha saddexda ah ee fagaaraha yimaadda, mana jirto mar ay ka maqnaayeen tan iyo 2008, waxaanay qaybsadeen 11 abaal-marinood oo Ballon d’Or ah.

Messi ayaa lix haysta, Ronaldo na shan, balse mar kale ayuu haddana ugu yaraan midkood ku jiri doonaa kuwa ku tartamaya, lamana hubo inay noqon doonto sannad kale oo ay tirada sii kordhisan doonaan labadan ciyaartoy.

Haddaba qiyaas, haddii ay kusoo beegmi lahaayeen badhtamaha iyo dhamaadka 1990-meeyadii, sidee ayuu ahaan lahaa xaalka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi? miyey awoodi lahaayeen inay ku guuleystaan Ballon d’Or muddo 11 sannadood ah?

Cahdigaas su’aashu seeska u tahay, suurtogal kama noqoteen in labadan ciyaartoy ay ku guuleysan karaan abaal-marintan sannado sidaas u badan, sababtuna waa ciyaartoyda waqtigaas joogay adduunyada ee tartamayay.

Tusaale ahaan, sannadkii 1998kii oo la ciyaarya Koobkii Adduunka, waxa abaal-marinta Ballon d’Or ku tartamay xiddigo waaweyn sida Zinedine Zidane, Suker, Ronaldo, Owen, Rivaldo, Batistuta, Bergkamp, Roberto Carlos, Del Piero iyo kuwo kale.

Sannadkan ayaa ahaa midka ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ay noqdeen tartameyaasha abaal-marinta, waxaana ka dhex-qaaday Zinedine Zidane oo shaki la’aan ahaa ciyaartoyga ugu mudan kaddib markii uu dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka.

Halkan kaga bogo tartameyaashii Ballon d’Or ee 1998kii iyo dhibcihii ay kala heleen:

1. Zinedine Zidane, Juventus – 244 dhibcood2. Davor Šuker, Real Madrid – 68 dhibcood3. Ronaldo, Internazionale – 66 dhibcood4. Michael Owen, Liverpool – 51 dhibcood5. Rivaldo, Barcelona – 45 dhibcood

6. Gabriel Batistuta, Fiorentina – 43 dhibcood7. Lilian Thuram, Parma – 36 dhibcood8=. Edgar Davids, Juventus – 28 dhibcood8=. Dennis Bergkamp, Arsenal – 28 dhibcood10. Marcel Desailly, Chelsea – 19 dhibcood11. Frank de Boer, Ajax – 17 dhibcood12. Emmanuel Petit, Arsenal – 16 dhibcood13. Roberto Carlos, Real Madrid – 13 dhibcood

14=. Laurent Blanc, Marseille – 11 dhibcood14=. Fabien Barthez, Monaco – 11 dhibcood16=. Alessandro Del Piero, Juventus – 10 dhibcood16=. Predrag Mijatović, Real Madrid – 10 dhibcood18=. Didier Deschamps, Juventus – 9 dhibcood18=. Oliver Bierhoff, Milan – 9 dhibcood20. Michael Laudrup, Ajax – 6 dhibcood

21=. Ronald de Boer, Ajax – 4 dhibcood21=. Raúl, Real Madrid – 4 dhibcood23=. Brian Laudrup, Chelsea – 3 dhibcood23=. Clarence Seedorf, Real Madrid – 3 dhibcood23=. Marc Overmars, Arsenal – 3 dhibcood26=. Christian Vieri, Lazio – 2 dhibcood26=. Fernando Hierro, Real Madrid – 2 dhibcood28=. David Beckham, Manchester United – 1 dhibcood28=. Luis Enrique, Barcelona – 1 dhibcood28=. Bixente Lizarazu, Bayern Munich – 1 dhibcood28=. Nikos Machlas, Vitesse – 1 dhibcood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More