YAA FILAYAY? Sawirka Cristiano Ronaldo Oo Ku Dhagsan Qolka Labiska

Qolka labiska kooxda Barcelona ayaa u muuqda meel ay adagtahay in laga helo wax ku saabsan Cristiano Ronaldo sababtoo ah wakhtiga cajiibka ah ee uu kusoo qaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid.

Laakiin sawirka Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhajisan yahay qolka labiska Barca ee xerada tababarka sababtoo ah in ciyaaryahanada loogaga digayo caabuqa Korona Fayras.

Ronaldo ayaa ah mid kamida shaqsiyaadka ugu magaca weyn guud ahaan ciyaaraha ee laga helay xanuunkaas kaddib markii uu qaaday wakhti uu gudanayay waajibaadkiisa xulka Portugal ee bishii October.

Ronaldo ayaa lagu qasbay inuu karantiin galo isla markaana seegay kulan uu mudo dheer sugayay oo uu Barcelona iyo Lionel Messi kaga hortagayay oo UEFA Champions League ahaa.

Wargeyska AS ayaa haatan sheegaya in sawirka Ronaldo uu ku yaalo qolka labiska Barca iyadoo xiddigaha kooxda looga dhigayo digniin ah in xataa ciyaaryahanada waaweyn uu ku dhici karo xanuunku si kasta oo sharciyo adag looga sameeyay.

Barcelona ayaa hubaal ka faa’iday maqnaanshaha Ronaldo ee kulankaas maadaama oo ay 2-0 Juventus ugaga soo adkaadeen ciyaar ka dhacday Allianz Stadium oo ay Ousmane Dembele iyo Lionel Messi goolasha soo kala dhaliyeen.

Laakiin CR7 ayaa soo laabasho ka sameeyay kulankaas isaga oo ciyaartii xigtay kasoo caawiyay Juve inay 3-0 ku garaacdo Barca xilli uu laba gool dhaliyay sidaasna ay booska 1-aad ee Group-ka kaga qaadeen kooxda ree Spain.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More