Xulka Qaranka Holland Oo Go’aan Ka Gaartey Haddii Van Dijk Uu
Tababaraha xulka qaranka Netherlands ee Ronald de Boer ayaa shaaciyey go’aanka ay ka qaateen difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo xilli ciyaareedkan oo dhan dhaawac ku maqnaa laakiin hadda dib u bilaabay tababarka fudud.
Van Dijk ayaa garoomada macasalaameeyey bishii October markaas oo uu dhaawac ka gaadhay jilibka xilli ay socotay ciyaartii Merseyside Derby ee Everton iyo Liverpool ee garoonka Goodison Park.
29 jirkan ayaa usbuuciyadii ugu dambeeyey la arkayay isagoo kasoo kabanaya dhaawacaas oo bilaabay tababarka fudud, waxaana la filayaa in uu dhowaan tababarka si buuxda ula bilaabo ciyaartoyda kooxdiisa.
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa isaguna digniin u diray tababaraha xulka qaranka Netherlands ee Ronald de Boer, waxaanu u sheegay in aanu isku dayin in uu laacibkan kusoo dedejiyo garoomada si uu qayb uga noqdo xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Yurub ee bisha dambe bilaabmi doona.
Klopp oo hadlay ayaa yidhi: “Jilibka Virgil. Ma doonayo in aan dib u dhigo laakiin sidoo kale ma qasbi karo.
“Haddii aad doonayso in aad ciyaarto tartan, waxaad u baahan tahay in aad tababarka bilowdo muddo ka hor, tababar kubbadeed oo habboon, kaliyana maaha toddobaad ka hor (tartanka) ee waa toddobaadyo ka hor.
“Isaga cidina dib uma dhigayso, aniga ayaana dadka reer Holland oo dhan u ballan-qaadaya taas. Laakiin kuma qasbi kartaan (in uu soo degdego), laguma qasbi doono.”
Hadalka Klopp kaddib, tababaraha xulka qaranka Netherlands ee De Boer ayaa waxa la weydiiyey go’aankooda Van Dijk xilli ay soo dhow yihiin ciyaaraha qaramada Yurub, waxaanu caddeeyey in aanay iyagu ku qasbi doonin laacibkan.
De Boer ayaa yidhi: “Isaga ayay tahay in uu go’aanka gaadho, isaga ayay xirfaddiisa tahay.”