Xulka Germany Oo Garaacay Xulka Hungar Iskana Xaadiriyay Wareega Xiga Ee Euro 2024.

Xulka qaranka Germany ayaa guul ka gaadhay xulka Hungary kulan ka tirsanaa Euro 2024.

- Advertisement -

Xulka Hungary ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen xulka Germany bilowgii ciyaarta.

Xulka Marti galinaya tartanka Euro 2024 ee Germany ayaa si dar-dar leh ku bilowday kulanka.

Daqiiqadii 22-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Jamal Musiala kaas oo ciyaarta dhigay 1/0.

Xulka Germany ayaa si waday dadaalada ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal.

Qaybtii dambe ayuu xulka Germany sii waday weerarada aan kala joogsiga lahayn.

Daqiiqadii 67-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Germany ku badiyay 2/0

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More