Xiddigii Talyaaniga Ee Manuel Locatelli Oo Lagu Kala Adkaaday, Arsenal

Kooxda kubadda cagta Sassuolo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in xiddigooda khadka dhexe ee Manuel Locatelli ay toddobaadkan ka geli doonaan wada-hadal ay ku iibinayaan, isla markaana uu ka tegi doono kooxdooda.

Locatelli oo ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka Talyaaniga ku hoggaamiyey Koobkii Euro 2020, waxa kooxaha doonaysay ka mid Arsenal oo intii aanu tartankaasiba dhamaanin bilowday hawl-galkiisa.

Kubbad-sameeyahan labada gool dhaliyey ayaa go’aansaday in aanu sii joogin Sassuolo, isla markaana uu tago kooxaha waaweyn si uu sare ugu qaado xirfaddiisa ciyaareed.

Giovanni Carnevali oo ah Guddoomiyaha kooxda Sassuolo ayaa xalay xaqiijiyey, in Locatelli ay toddobaadkan iibinayaan, iyagoo wada-hadal la furata kooxda uu isagu doortay oo ah Juventus, taas oo meesha ka saaraysa Arsenal iyo naadiyadii kale ee  damacu kaga jiray.

“Berri [Maanta] waxa aanu Juventus xidhiidh toos ah ka yeelan doonaa Locatelli” Ayuu yidhi Giovanni Carnevali oo xalay u warramayay SKY Sports.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxa uu doonayaa in uu ku biiro Juve, anaguna waanu ku faraxsanahay in aanu Manuel ka iibino Juve… laakiin waxa looga baahan yahay inay bixiyaan qiimaha saxda ah.”

Giovanni Carnevali waxa kale oo uu sheegay in Juventus aanay ahayn kooxda kaliya ee doonaysa Locatelli, waxaanu yidhi: “Arsenal ayaa dalab kasoo gudbisay oo doonaysay inay la saxeexato, waxa kale oo jiray kooxo kale oo Ingiriis ah oo tartanka ku jiray.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More