Xiddigaha waaweyn ee Manchester United ayaa isku raacay sababta

Ciyaaryahanadda waa weyn ee Manchester United ayaa rumeysan in xeeladaha isdaba jooga ah ee Ole Gunnar Solskj arer ay sabab u tahay qaab ciyaareedkooda iyo guuldaradooda oo liidata.

Sida ay warinayso Telegraph, xiddigaha kooxdu waxay ka cabsi qabaan in isbeddelada joogtada ah ee safka macallinka ay u horseeday deggenaasho la’aan taasoo keentay natiijooyin xun.

Red Devils ayaa ciyaartay 18 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, mana ahan hal jeer oo uu Ole Gunnar Solskjær ciyaaray isla shaxdii labo kulan oo xiriir ah.

Intaas waxaa sii dheer, wuxuu ciyaaray kaliya hal jeer Premier League, guushii 4-1 ee ay ka gaareen Newcastle bishii October barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Chelsea. Laakiin taasi waxay ahayd farqiga u dhexeeya guushii PSG ee 2-1 Champions League markii uu shaxdiisa beddelay.

“Waxaa jiray isbaddallo badan oo ku yimid ciyaartoyda iyo ciyaarta,” ilo ka tirsan United ayaa u sheegay Telegraph.

“Ma sahlana in xiriir laga dhex dhiso garoonka.”

Solskjaer ayaa isbadal badan ku sameeyay safkiisa koowaad, kaasoo markii hore doorbiday 4-2-3-1, 4-1-2-1-2 iyo 3-4-1-2.

Caddaynta tani waa labadii kulan ee ugu dambeysay ee Manchester United. Sabtidii guushii 3-1 ay ka gaareen West Ham waxay ciyaareen 4-2-3-1 laakiin habeenkii Talaadada guuldaradii 3-2 ee ka soo gaartay RB Leipzig waxay ciyaareen 3-4-1-2.

Isbedelka ugu weyni waa khadka dhexe, iyadoo kaliya Bruno Fernandes uu dammaanad ka qaadayo booskiisa inta kale. Kow iyo toban xiddig oo khadka dhexe ah ayaa ciyaaray xilli ciyaareedkan Premier League iyo Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More