Xiddigaha Real Madrid Oo Caddeeyey Inay Ilaa Heer Dhimasho

Sharraxaad iyo sharraxaad la’aanba, Real Madrid waxay ciyaartoygeedu madaxa kor u qaadaan marka ay uguadag tahay, waxaanay tusaalihii ugu dambeeyey ku bixiyeen tartanka Champions League oo ay u muuqdaan inay xaqiijisanayaan booskooda wareegga 16-ka, xilli mugdi la gelinayay fursaddooda.

Tababare Zinedine Zidane ayaa culays badan saaran yahay xili ciyaareedkan, gaar ahaan markii labadii ciyaarood ee ugu horreeyey tartanka Champions League midna laga badiyey midna uu barbarro galay.

Ciyaartii ay dirqiga kaga baxsadeen Inter Milan ee garoonka Alfredo di Stefano ayay rajadoodu kusoo noolaatay, waxaana ugu sii xigtay usbuucan oo ay 2-0 ku karbaasheen Inter Milan oo ay marti ugu ahaayeen San Siro.

Xilli ay ciyaartooyo badan dhaawac ku maqan yihiin, waxa hurdada ka  toosay oo badbaadada tababahooda u kacay ciyaartooyo ay ka mid yihiin Nacho Fernandez, Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez, iyadoo Hazard iyo Rodrygo ay noqdeen kuwii shabaqa soo taabtay ciyaartii xummad jabinta.

Inkasta oo ay xaaladdoodu adag tahay, haddana ciyaartoyda Real Madrid waxay rumaysan yihiin in aanay cidlo tegi doonin xili ciyaareedkan oo ay wax uun ku guuleysan doonaan.

Raphael Varane ayaa ka hadlay hab fikirka ciyaartoyda Real Madrid, waxaanu sii sheegay in aanay mar kale samayn karin wixii ay sameeyeen ciyaartii Villarreal, sidoo kalena aanay cudur-daar u noqon karayn wax kasta oo ay keenaan haddii ay Inter ka badin kari waayaan.

Ciyaartii ka dhacay magaalada Milan, waxay Real Madrid ugu soo beegantay xilli ay xaalad adag ku jirtay oo aanay hal dhibicna lumin karaynin, waanay soo guuleysteen.

Lucas iyo Nacho ayaa ciyaartoodii ugu wanaagsanayd habeenkan soo bandhigay, waxaana uu laacibka reer Spain ee inta badan dhaawac ku maqnaa ee Nacho uu awood u yeeshay inuu xakameeyo Romelu Lukaku oo ay isaga iyo Varane isku bedbeddelayeen.

Lucas Vazquez oo muddo kasoo ciyaaray difaaca midig intii uu maqnaa Dani Carvajal waxa uu si fiican uga shaqeeyey weerarka iyo khadka dhexe iyadoo uu xataa difaaca shaqo wanaagsan kasoo qabanayay. Waxa uu birta ka jaray kubbad uu goolka ku toogtay, markii dambena wuxuu ahaa ciyaartoygii caawiyaha ka noqday goolkii uu dhaliyey Rodrygo Goez.

Luka Modric, Toni Kroos, Varane, Ferland Mendy, Martin Odegaard, Mariano iyo Hazard ayay dhamaantood ciyaartoodu ka sarraysay sidii dhowaanahan ay ahaan jirtay.

Wargeyska Marca oo warbixintan qoray ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyda Real Madrid ay muujiyeen inay illaa heer dhimasho garab taagan yihiin tababare Zidane oo ay culaysyadii ka furfurayaan, iyadoo la eegi doono inay mar kale ku celiyaan bandhiggaas oo kale Sabtida kaddib laba ciyaarood oo ay guulo la’aan kasoo ahaayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More