Xiddiga Weyn Ee Uu Kylian Mbappe Ka Maseyrsan Yahay Oo La Shaaciyay &

Waxaa la sheegay in Kylian Mbappe inuu si weyn uga maseyrsan yahay Antoine Griezmann oo awood muuqata ku dhex leh xulka qaranka Faransiiska.

Waxaa soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay warar ku saabsan qoysaska ciyaartoyda Faransiiska oo dagaalamay iyo ciyaartoyda xulka oo garoonka dhexdiisa isku qabqabsaday ka dib markii ay ka hareen tartanka Euro 2020.

Xulka heysta Koobka Adduunka ayaa rigoore looga badiyay kulankii Switzerland ee ka dhacay magaalada Bucharest maalintii Isniinta.

Waxaa tan iyo markaas soo baxday in hooyada dhashay Adrien Rabiot inay taribuunka garoonka kula dagaashay qoyska Mbappe.

Xiddiga Paris Saint-Germain oo qasaariyay rigooradii ay ku hareen ayaa haatan ku jira fadeexad cusub sida ay qortay jariirada Faransiiska ee L’Equipe.

Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay inuu qilaaf u dhaxeeyao Mbappe iyo Griezamnn, iyadoo L’Equipe ay sheegtay in 22 jirkaan uu aad uga maseyrsan yahay doorka Griezmann ee xulka qaranka.

Mbappe ayaa la sheegay inuu dalbaday in la soo celiyo Karim Benzema taasoo saameyn ku yeelatay booska Griezmann.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Mbappe uu si shaqsi ah u ciyaaro kubada isagoo aan inta badan baasin marka loo barbardhigo weeraryahanka Barcelona kaasoo deeqsi ah islamarkaana kubad kooxeed dheela.

Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu wacdarro ka dhigo tartanka Euro 2020 isagoo aan xitaa hal gool ah ka dhalinin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More