Xiddiga Barcelona ayaa laga yaabaa in lagu qasbo inuu baxo
Xiddiga kooxda Barcelona ee amaahda ku jooga Moussa Wague ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 9 bilood ah xilli ay jiraan warar sheegaya in lagu qasbi karo in uu ciyaaraha ka fadhiisto.
22 jirkaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo jilibka ah intii lagu gudajiray ciyaartii PAOK Salonika.
Wague ayuu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay markii uu isku dayay in uu kubbada birta ku dul qabto oo birta ku garaaco
Xiddiga reer Senegal ayaa dhulka ku jiray muddo dheer kadib markii uu birta ku garaacay goolka ugu dambaynna laga saaray garoonka.
Warbixinnada ayaa si isdaba joog ah u sheegaya in Moussa Wague lagu qasbi karo inuu ka fariisto kubadda cagta isagoo da ’yar oo mustaqbal ifaya leh.
Barcelona ayaa soo saartay warbixin rasmi ah oo caafimaad oo ku saabsan xaalada dhaawac ee Hague ka dib markii qaliin looga sameeyay jilibka sabtidii.
Moussa wuxuu qalliin ku galay Dr Ramon Cugat oo fadhigiisu yahay magaalada Barcelona, laguna naanayso “Lionel Messi”, dhammaan xiddigaha waaweyni isagay u tagaan markii uu maro qalliin weyn.