Xiddig Weyn Oo Ka Tegay Chelsea, United Oo Weerar Ku Qaadday Bayern,

Manchester United ayaa rajaynaysa in saxeexa Jadon Sancho ay ku dhawaaqdo marka uu dhamaado tartanka Euro 2020. 21 jirkan ayay mar horeba la gaadheen heshiis shaqsi ah. (Sun)

United waxay diyaarisay dalab ay ka gudbinayso garabka weerarka Bayern Munich ee Kingsley Coman oo 24 jir ah, waxayse kaliya u dhaqaaqayaan haddii ay ku guul-darraystaan saxeexa Sancho. (Sport 1)

Juventus ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahanka Tottenham iyo xulka England ee Harry Kane, laakiin waxa caqabad weyn ku ah qiimaha guddoomiyaha Spurs ee Daniel Levy uu ku xidhay saxeexa 27 jirkan, taas oo ay adag tahay koox bixin karta waqtigan. (Calciomercato)

United waxay wada-hadallo la  bilowday wakiilka Paul Pogba oo ay ka wada xaajoonayaan heshiis cusub oo uu 28 jirkani u saxeexo Red Devils. (Sky Sports)

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Germany ee Ilkay Gundogan, ayaa doonaya in uu sugo, haddii Barcelona ay ula timaaddo xiise dhab ah ka hor inta aanu go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa Manchester City. (Sun)

Tababaraha West Ham ee David Moyes ayaa qarka u saaran inuu saxeexo heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu kooxdaas kusii joogayo, taas oo soo afjaraysa hadal-hayntii ahayd inuu tegayo Everton. (Telegraph)

Inter Milan waxay heshiis cusub oo sannad ah u bandhigtay Ashley Young oo 35 jir ah, xilli ay suurtogal tahay inkooxdiisii carruurnimadii ee Watford uu dib ugu laabto. (Sun)

AC Milan ayaa heshiis laba sannadood ah la gaadhay weeraryahanka Chelsea ee Olivier Grioud oo 34 jir ah. (Calciomercato)

Tababaraha Real Betis ee Manuel Pellegrini ayaa ka mid noqday macallimiinta lala xidhiidhinayo Everton oo uu ka tegay Carlo Ancelotti oo loo magacaabay tababaraha Real Madrid. Pellegrini ayaa hore usoo layliyey Man City iyo West Ham. Rafa Benitez ayaa isagana lala xidhiidhinayaa kooxdan. (Mail)

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Lazio ee Sergei Milinkovic-Savic oo u dhashay Serbia. 26 jirkan ayuu tababare Jurgen Klopp u arkaa beddelka Georginio Wijnaldum oo tegay PSG. (Il Messaggero)

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku dagaallamaya saxeexa 25 jirka reer Spain ee khadka dhexe uga ciyaara Napoli ee Fabian Ruiz oo laba jeer iska diiday dalab ay kooxdiisu ku doonaysay inuu heshiiska ugu kordhiyo. (AS)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More