Xiddig Man United Ah Oo Soo Bandhigay Sida Canqowga Looga

Donny van de Beek ayaa soo bandhigay canqowga oo si xun u bararsan ka dib kulankii ay Man United guusha soo laabashada ah ka gaartay Southampton.

Xiddiga reer Holland oo 23 sanno jir ah ayaa jug xoogan oo dhanka bidix ee canqowgiisa ah kala kulmay kabtanka Southampon James Ward-Prowse.

Wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir uu ka qaaday canqowgiisa oo barar xoogan uu ka muuqdo.

Wuxuu goobo ku calaamadeeyay bararka canqowgiisa isagoo ku soo dul qoray: “Ku soo dhawoow Premier League!”

Van de Beek ayaa jugtaan ay soo gaartay 15 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta iyadoo Ward-Prowse uu ka soo daahay taakalkiisa xilli Van de Beek uu weerar qaadayay.

Isagoo qeylinaya ayuu dhulka ku dhacay, laakiin durbadiiba waa uu sitaagay isagoo kubada helay islamarkaana sii cararay.

Xiddigii hore ee Ajax ayaa dhameystay 90ka daqiiqo inkastoo canqowgiisa uu sidaan u bararay islamarkaana ay jug xoogan ka muuqato.

Laacibka ay Man United ka soo bixisay 39 milyan ginni xagaagii ayaa lagu soo bilaabay shalay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.

Waxayna u muuqatay inay u noqoneyso maalin uu iska ilaawo markii Jan Bednarek iyo Ward-Prowse ay 2-0 hogaanka ugu dhiibeen Southampton.

Laakiin Edinson Cavani oo bedel ku soo galay ayaa natiijada dhanka kale u rogay isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday mid seddexaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More