Xiddig 19 Jir Ah Oo Isaga Fariistay Kubada Cagta Si Uu U Noqdo

Splinter de Mooij oo 19 jir u ciyaarayay kooxda Feyenoord ee dalka Netherlands ayaa ka fariisanaya ciyaarista kubada cagta si uu u noqdo dhakhtar.

De Mooij ayaa ku biiray kooxda reer Holland sannadkii 2013 isagoo qandaraaskiisii ugu horeysay ee xirfadlenimo saxiixay sannadkii 2018.

Laakiin waxa uu go’aansaday inuu isaga tago kubada cagta si uu u gaaro riyadiisa labaad oo aheyd inuu noqdo dhakhtar isagoo jaamacada bilaabaya bisha September ee sannadkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa bayaan uu soo dhigay Instagram wuxuu ku yiri: “Markii aan ku biiray Feyenoord sannadkii 2013 islamarkaana aan saxiixay qandaraaskeygii ugu horeysay ee xirfadlenimo, waxaa ii rumowday riyadeydii aheyd inaan noqdo xiddig kubada cagta ah.

“Ka dib todoba sannadood oo cajiib ah oo aan ku qaatay Feyenoord, waxaan ku wargeliyay Feyenoord maanta inaan kooxda ka tagayo si aan u gaaro riyadeyda labaad oo ah inaan noqdo dhakhtar. Waxaan bilaabi doonaa waxbarashadeyda caafimaadka bisha September ee sannadkan.

“Waad mahadsan tihiin Feyenoord, shaqaalaha akadeemiga Feyenoord, kuwaasoo wax badan i baray ina siiyay tababaro cajiib ah.

“Asxaabteyda waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin saaxiibtinimada iyo wax walba oo aan wada marnay.”

Waa go’aan cajiib ah uu gaaray xiddig aad u da’ yar.

Warkaan ayaa imaanaya ka dib markii xiddiga juunyeerka xulka Talyaaniga Alessandro Arlotti uu dhawaan isna go’aansaday inuu isaga tago kubada cagta oo uu xaadiro jaamacada Harvard ee dalka Mareykanka.

18 jirkaan weerarka ka ciyaara oo gool u dhaliyay xulka Talyaaniga ee da’dooda ka yar tahay 17 sanno jirada islamarkaana u saftay xulka U18 ayaa dhawaan u saxiixay kooxda Serie B ka dhisan ee Pescara. Ka hor waxa uu ku jiray akadeemiga AS Monaco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More