Xaysiis QAAWAN Oo Kasoo Dhex Baxay Mobile-ka Neymar, Waxa Sababay &
Neymar Junior ayaa kamid ah xiddigaha ugu fiican jiilkiisa waxaana uu ugu horreynba isku soo muujiyay kooxda dalkiisa ee Santos kahor intii uusan heshiis qaali ah ugu wareegin dhinaca Barcelona sanadkii 2013.
Kaddib afar sano oo qurux badan oo uu kusoo qaatay Barcelona, Neymar ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta isaga oo heshiis 222 Milyan oo euro ah ugu wareegay dhinaca kooxdiisa haatan ee Paris Saint-Germain.
Si ay ugu qanciso Neymar inuu kooxdeeda kusoo biiro, Paris ayaa mushahar aad u badan u qortay xiddigeeda, sida uu sheegay wargeyska ree France ee L’Equipe, Neymar ayaa toddobaadkii mushahar ahaan uga qaata kooxdaas lacag dhan £600,000 taas oo ku dhaw Hal Milyan toddobaadkii.
Si kastaba, marka laga yimaado inuu haysto lacag aad iyo aad u badan, Neymar ayaa diiday inuu lacag ku bixiyo daawashada ciyaarta uu jecel yahay ee kubadda cagta isaga oo bedelkeeda ciyaaraha ka daawada ilo sharci darro ah.
Neymar ayaa ka maqnaa kulankii ay toddobaadkan kooxdiisu guusha 4-1 ka ah ka gaadhay dhigeeda Strasbourg maadaama oo uu ganaax qabay waxaana uu kasoo muuqday barta Instagram-ka.
Si kastaba, sawir uu soo dhigay Neymar ayuu kasoo muuqday xaysiiska “Gabadh qaawan” taas oo muujinaysa sida uu muuqaalada ciyaaraha uga daawado website-yo sharci darro ah kuwaas oo xaysiisyo aan fiicnayn soo hordhiga.
Your browser does not support the audio element.