“Xataa Pochettino Ma Xallin Karayo Dhibaatada Manchester
Mauricio Pochettino ma xallin doono dhibaatada ka taagan Manchester United haddii uu beddelo Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegayo in shaqada laga caydhiyo, sidaa waxa rumaysan weeraryahankii hore ee kooxdaas ee Dimitar Berbatov.
Solskjaer ayaa la rumaysan yahay in kulankiisa ugu dambeeya ee Manchester United uu laylinayo ay tahay ciyaarta Everton ee Sabtida oo haddii laga badiyo uu shanaddadiisa hore ka xidh-xidhan doono, waxaana arrintan soo dedejiyey labadii guul-darro ee isku xigay, uguna dambeeyey ee Arsenal iyo Istanbul Basaksehir toddobaadkan.
Mauricio Pochettino ayaa ah tababaraha ugu horreeya ee lala xidhiidhinayo shaqada Manchester United, waxaana la rumaysan yahay in Ed Woodward uu la dhacsan yahay tababaraha reer Argentina oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii laga caydhiyey Spurs sannad ka hor.
Dimitar Berbatov oo hore ugu soo ciyaaray Tottenham iyo Manchester United oo ka hadlay magacaabista Pochettino ee Manchester United ayaa ka digay in xataa aanu xataa waxba ka beddeli karin qaabka ay kooxdu tahay, waxaanu yidhi: “Haddii ay run ka jirto wararka xanta ah ee Mauricio Pochettino, way adag tahay in dhab ahaan loo eedeeyo United. Markay kooxdu xumaato, culaysku wuxuu saaran yahay tababaraha, tanina had iyo jeer waa run.
“Waxa aan dhowaan arkay isaga oo faalaynaya, waxaanu sheegay inuu diyaar u yahay inuu mar kale shaqeeyo, sidaa darteed way adag tahay in la joojiyo wararka xanta ah.
“Waxyaabaha aan isbeddeli doonin, si kastaba, waa ciyaartoyda. Tababaraha cusub ma beddeli karayo sida ay u ciyaarayaan. Haa, marka aad hesho tababare cusub, waxaad arki karaysaa sare u kac, laakiin si guud, dabeecaddu waa isku mid. Hujuub ma leh, xamaasad ma leh iyo is xisaabin dhinac walba leh.
“Ciyaartoydu waxay u baahan yihiin inay fikirkooda beddelaan illaa inta uu tababaruhu doonayo inuu isbeddel sameeyo.”
Berbatov oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in wax badan ay qaldan yihiin, waxaanu yidhi: “Dad badan ayaa sheegi kara in la joogo waqtigii isbeddelka, kuwo kale waxay leeyihiin lama gaadhin weli, laakiin marka aad daawato kooxda waqtigan, waxaad sheegi karaysaa inuu wax qaldan yahay.”