Xaqiiqooyinkii, Xiddigii Garoonka, Laacibiintii Fashilmay Iyo

Manchester City ayaa xaqiijisay guul ay u qalantay oo ay ka gaadhay Leicester City oo ay marti u ahayd, waxaanay kusoo garaacday 2-0.

Benjamin Mendy iyo Gabriel Jesus ayaa  qaybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyey goolasha, saddexda dhibcoodna u go’aamiyey Manchester City.

Xaqiiqooyinkii ciyaarta

Manchester City ayaa guuleysatay dhamaan 15kii ciyaarood ee ay martida noqotay xilli ciyaareedkan dhamaan tartamada, lagamana badinin 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay garoonkeeda dibedda uga baxday. 16 guulood iyo laba barbarro ah ayay heshay muddadaas, in laga badiyana waxa ugu dambaysay November 2020 oo ay marti u noqdeen Tottenham oo kaga soo badisay 2-0.

Man City waxay ilaashatay shabaqeeda 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedkan, waxaana laga dhaliyey afar gool oo kaliya 26kii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Leicester City waxay ku guul-darraysatay in ay xataa hal mar toogasho goolka Manchester City qaybtii hore ee ciyaarta, waana markii ugu horreysay ee ay sidaasi ku dhacdo tan iyo December 2-19 markaas oo Liverpool ay karkarisay.

Jamie Vardy 14 mar oo kaliya ayuu kubadda taabtay ciyaartii caawa, waxaanu ahaa laacibka ugu liitay dhinaca kubbad taabashada.

Gabriel Jesus ayaa dhaliyey goolkiisii shanaad lix ciyaarood oo uu ka hor tegay Leicester City oo dhamaan Premier League ah.

Xiddigii garoonka

Kevin de Bruyne ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana inkasta oo aanu gool dhalin uu ahaa mishiinka hagayay qaab ciyaareedka quruxda badan ee kooxdiisa.

Laacibiintii fashilmay

Saddexda ciyaartoy ee Amartey, Iheanacho iyo Vardy ayaa noqday kuwii ugu liitay ciyaarta iyagoo helay qiimayntii ugu hoosaysay ciyaarta.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Leicester: Schmeichel (6), Castagne (6), Amartey (5), Fofana (6), Evans (6), Ndidi (6), Tielemans (6), Albrighton (6), Perez (6), Iheanacho (5), Vardy (5)

Beddelka: Pereira (6), Maddison (6), Mendy (NA)

Man City: Ederson (6), Walker (7), Mendy (7), Laporte (7), Dias (8), Rodri (7), Fernandinho (7), De Bruyne (8), Mahrez (6), Jesus (8), Aguero (6)

Beddelka: Sterling (7), Torres (NA), Foden (NA)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More