Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday

Liverpool ayaa xalay 3-0 ku xaaqday kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa garoonka Emirates Stadium. Waxaan eegeynaa xiddigii garoonka, qiimeynta ciyaartoyda iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaangeliyay kulankaan.

XIDDIGA GAROONKA

Fabinho (Liverpool). Qaab ciyaareed kale oo la jecleystay ayuu soo bandhigay xiddiga reer Brazil. Wuxuu ahaa Jeneraalka khadka dhexe isagoo qaab ciyaareed fiican oo sifaham ah la ciyaaray Thiago Alcantara. Wuxuu qaab ciyaareedkiisii fantaastiga ahaa ku su sii daray caawimaadii uu ka sameeyay goolkii Salah.

XIDDIGII KALE EE WACDARAAH DHIGAY

Alexandre-Arnold, Thiago Iyo Diogo Jota ayaa iyagana ahaa xiddigihii kale ee wacdarraha ka dhigay kulankii Emirates Stadium.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

ARSENAL: Leno 6, Chambers 6, Holding 6, Gabriel 6, Tierney 6, Partey 6, Ceballos 6, Odegaard 5, Pepe 5, Aubameyang 5, Lacazette 5.

Bedel: Cedric 6, Elneny 6, Martinelli 5.

LIVERPOOL: Alisson 7, Alexander Arnold 8, Kabak 7, Phillips 7, Robertson 7, Fabinho 8, Thiago 8, Milner 7, Mane 7, Firmino 7, Salah 7.

Bedel: Jota 8, Wijnaldum 6, Williams.R n/a.

XAQIIQOOYINKA KULANKA LAGA DIIWAANGELIYAY

Kulankaan wuxuu ahaa kulankii 50aad ee uu Mikel Arteta hogaamiyo Arsenal horyaalka Premier League, wuxuu badiyay 21 kulan, waxaa laga badiyay 17 kulan halka 12ka kulan kale uu barbaro galay, wuxuu afar guuldarro dheer yahay macalinkii uu bedelay Unai Emery kaasoo 13 kulan laga badiyay 50kiisii kulan ee ugu horeysay.

Trent Alexander-Arnold ayaa Arsenal ka dhigtay kooxda uu ugu jecel yahay marka ay timaado inuu caawimaad gool sameeyo, wuxuu haatan marayaa seddex caawimaad oo uu ka sameeyay Arsenal horyalka Premier League.

Salah ayaa toos uga qeyb qaatay sagaal gool sagaal kulan oo Premier League uu ka horyimid Arsenal, isagoo ka dhaliyay todoba gool islamarkaana caawiye ka noqday labo gool kale.

Liverpool ayaa guusheedii ugu weyneyd ee kulan ay marti u yihiin Arsenal ka gaartay horyaalka Premier League, iyagoo marti ah waligood wax ka badan farqi seddex gool ah ugama aysan badinin Gunners.

Jota ayaa afar gool oo Premier League ah ka dhaliyay Arsenal, ma jirto koox kale uu goolal intaas la eg ka dhaliyay horyaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More