Wolves Oo Tiktok Soo Dhigtay Muuqaal Ay Ku Fadeexeyneyso

Wolves ayaa barteeda TikTok waxay soo dhigtay muuqaal ay ku fadeexeyneyso Granit Xhaka iyo difaacasho xumadiisii kulankii isbuucii la soo dhaafay ay 2-1 kaga badiyeen Arsenal ee ka dhacay Emirates Stadium.

- Advertisement -

Adama Traore ayaa si sahlan ku dhaafayay xiddiga reer Switzerland dhowr jeer, isagoo u adeegsaday orodkiisa iyo farsamadiisa xilli kooxda tababare Nuno Espirito Santo ay guul lama filaan ah ku soo gaareen garoonka Arsenal.

Wolves ayaa iska celin weysay inay maadeysato awood yarida Xhaka markii uu ka horyimid Traore iyagoo TikTok soo dhigay muuqaal cajiib ah oo ay ciwaan uga dhigeen: “Sida aan loo raacanin Adama Traore.”

@wolves

? How NOT to mark Adama Traore #wolves #premierleague #football #adamatraore #arsenal #dribbling #run #homealone

♬ origineel geluid – shittyflute

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 14aad ee miiska kala sareynta Premier League iyagoo kaliya 13 dhibcood ka helay 10ka kulan oo Premier League ah oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa u safreysa garoonka kooxda ay deriska yihiin ee Tottenham Axada iyadoo kooxda Jose Mourinho ay hogaanka u heyso Premier League iyagoo 21 dhibcood la wadaaga Liverpool.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More