Wixii Uu Sameeyey Thiago Silva Markii Uu Mason Mount Goolka Labaad U

Chelsea ma timaaddeen finalka Champions League haddii aanu iman lahayn Thomas Tuchel xilli-ciyaareedkan, sababtoo ah wuxuu beddelay Frank Lampard oo kooxda la daalaa-dhacaya, isla markaana ay fadhiyaan kaalinta  sagaalaad ee horyaalka, sidoo kalena ay muuqato in aanu isku-dubba-ridi karin si ay u yimaaddaan finalka Champions League.

Tababaraha reer Germany oo bishii January la wareegay Blues ayaa kooxda ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu difaaca adag, sidoo kalena ugu guulaha badan horyaalka Premier League iyo Champions League oo aan marna laga badinin sidii uu u yimid.

Thomas Tuchel iyo Thiago Silva oo sannadkii horena finalka keenay PSG oo ay Bayern Munich koobka ka qaadday ayay u tahay sannadkii labaad oo isku-xiga oo ay finalka imanayaan, waxaanay markan rajaynayaan in ay koobka ku guuleysan doonaan.

Difaaca reer Brazil ee 36 jirka ah oo ahaa  kabtanka PSG ayaa xagaagii iskaga yimid kooxda reer France kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Par des Princes, waxaanu ku biiray Chelsea oo uu u saxeexay heshiis sannad ah oo la filayo in mid kale loogu kordhiyo.

36 jirkan ayaa Chelsea ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu difaaca adag iyadoo uu khibraddiisa ku kordhiyey da’yarta kooxda, taas oo uu sidoo kale u noqday hoggaamiye qiime badan.

Kaddib markii ay Chelsea dhalisay goolka labaad ee kulankii xalay oo dhamaadka ciyaarta oo shan daqiiqadood ka hadhsan tahay uu saxeexay Mason Mount, Thiago SIlva ayaa u dabbaal-degay si waalli ah.

Markii ay ciyaartu soo dhamaatay ayey is heleen tababare Tuchel oo ay wada damaashaadeen, waxaana ay hadda si wada jir ah iskugu diyaarinayaan finalka oo ay ku sugayso Manchester Metropolis.

Ciyaartaas ayay khibrad iyo waayo-aragnimo u baahan yihiin da’yarta Chelsea, waxaase midda ay raadinayaan soo helay Thiago Silva iyo Tuchel oo bishii August koobka hortooda laga qaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More