Waxba Ma Ilaawo!! – Mourinho Oo Xiddig Weyn Ka Caydhinaya AS Roma &

Tababaraha cusub ee kooxda AS Roma ee Jose Mourinho oo ahaa shaqsigii Pedro Rodriguez kula soo saxeexday Chelsea ayaa u muuqda mid aan markan xiddigaas ka doonayn inuu kusii haysto Stadio Olimpico.

Kaddib markii ay soo baxeen shalay warar sheegaya in Jose uu si cadaan ah ugu sheegay Pedro inuusan qorshihiisa Roma ku jirin ayay u muuqataa mid uu xiddigii hore ee Barcelona ku mudanayo ciqaabka hadalo uu ka daba yidhi tababarahaas.

Mourinho ayaa Roma dib ugula midoobay qaar kamida xiddigha uu hore usoo maamulay waxaana kamid ah Chris Smalling iyo Henrikh Mkhitaryan oo uu Man United wakhti kula soo qaatay.

Mourinho ayaa ahaa macalinkii Chelsea keenay Pedro bishii August ee 2015 oo ahayd wakhtigii labaad ee uu ku qaatay kooxdaas, balse tababaraha Portuguese-ka ah ayaa kooxda ka tagay kaddib kaliya afar bilood waxaana sabab u ahaa natiijooyin xun oo is-daba joog ah.

Pedro ayaa kaddib bixitaankii Mourinho saxaafada la hadlay isaga oo sheegay in qolka labiska kooxdu uu ahaa mid sumaysan isla markaana ay waxkasta oo kooxda dhexdeeda ahi qaldanaayeen.

33 sano jirkaas ayaan kaliya intaas ku ekaan balse sanad kaddib markii ay isku dhaceen Mourinho iyo tababarihii Chelsea ka bedelay ee Antonio Conte qaladka saaray Mourinho oo uu ku sifeeyay mid ka bad-badiyay.

Waxay u muuqataa in xidhiidhka labada shaqsi uu yahay mid adag isla markaana Pedro uu koox cusub raadsan doono gudaha suuqan.

Sida uu sheegay Sky Sports Italia, Pedro ayaa wadahadalo la yeeshay Mourinho waxaana loo sheegay inuusan qorshahiisa ku jirin isagoo aan waliba loo sheegin sababo cad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More