“Waxaad Moodaa Inaysan Shaqadiisa Ahayn” – Carragher Oo Dhulka La

Daafacii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa dhulka ku jiiday da’yarka daafaca midig ee hadda kooxdiisii hore ee Trent Alexander Arnold walow uu ahaa mid kaliya 24 saacadood kahor wakhtiga uu eedeeyay amaanayay.

Arnold ayaa ahaa mid toddobaadkii ugu dambeeyay aad looga hadlayay kaddib markii laga reebay xulka qaranka England, markii uu qaab ciyaareedka cajiibka ah kala hortagay Arsenal Sabtidii ilaa bandhigiisii argagaxa lahaa ee uu xalay Actual Madrid kusoo bandhigay.

Isniintii ayay ahayd markii uu Carragher ku sifeeyay Trent hibo khaas ah iyo kubad sameeye balse xalay oo Salaasa ahayd ayuu si layaab leh uga laabtay aragtidiisii hore ee amaanta ahayd.

Trent Alexander Arnold ayaa qalad dilaa ah ka sameeyay ciyaartii xalay 3-1 kusoo dhammaatay ee Alfredo Di Stefano ka dhacday isaga oo u dhiibay Marco Asensio goolkii labaad.

Jamie Carragher ayaa sheegay inaysan lugaha Arnold ahayn kuwo ad-adag oo wax difaacan kara halka uu ku sifeeyay mid isku haysta in difaacashaduba aysan ahayn shaqadiisa.

“Waxa uu taagan yahay booska saxda ah, waxa uu ku jiraa difaacasho hal ka hal ah, wuu soo dhaqaaqayaa (Si uu weeraryahanka u difaaco) mana jirto wax dhaqaaq ah oo lugtiisu samaynaysaa” ayuu Jamie u sheegay CBS Sports activities.

“Sidaas darteed isagu ad-adaygaas lugahiisa kuma laha iyo diirad saarista ah inuu wax difaaco, waxay u muuqataa sida inuu dareemayo in difaacashadu aysan shaqadiisa ahayn”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More