“Waxa Jirta Waqtiyo Aad U Baahan Tahay Isbeddel Oo Qof Walba Ay U

Isku-diyaarinta Actual Madrid ee kulanka adag ee caawa fiidka hore ay la ciyaari doonaan Athletic Bilbao ayaa waxa caqabad ku noqday wararka sida qumbuladda ugu soo dhacay kooxda ee sheegaya in uu Zinedine Zidane ka tegayo dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadoo uu horeba ciyaartoyda kooxda  ugu sii wargeliyey in aanu sii ahaan doonin tababarahooda xilli ciyaareedka dambe.

Los Blancos ayaa caawa marti ku ah Estadio San Mames, waxaanay u baahan yihiin guul si ay hoggaanka ula wareegaan haddii ay dhibco lumiso Atletico Madrid oo iyaduna la ciyaaraysa Osasuna.

Zinedine Zidane ayaa ah tababaraha labaad ee ugu guulaha badan Actual Madrid, waxaana uu u qaaday 11 koob, iyadoo haddii uu horyaalka xilli ciyaareedkan ku darsadana uu u noqon doono koobkii 12aad ee uu kula guuleysto muddo shan sannadood gudahood ah, waxaana kaliya ka koobab badan Miguel Munoz oo 14 koob u qaaday Actual Madrid.

Tababare Zidane ayaa shirkii jaraa’id ee shalay ee ka hor kulanka Athletic Bilbao, waxa lagu weydiiyey haddii uu warbaahinta u xaqiijin karayo run ahaanshaha wararka sheegaya in uu ka tegayo Actual Madrid kaddib labada kulan ee uga hadhay xilli ciyaareedka, waxaana uu tilmaamay in ay jirto waqti cid walba ay u wanaagsan tahay in uu tago.

Zidane ayaa yidhi: “Waa su’aal liidata. Xaqiiqadu waxay tahay in laba ciyaarood ka hadhsan yihiin xilli ciyaareedka, mana garanayo waxa dhici doona.

“Wax walba means dhici karayaan. Tani waa Actual Madrid. Anigu ma fiiriyo wax ka baxsan shaqada maalinlaha ah. Waxa laga yaabaa in aad ku fikirayso, in aan idhaahdo aniga ayaa qaadaya masuuliyadda sababtoo ah xaalado adag ayaa jira. Arrinku sidaas maaha. Anigu wixii aan samaynayo waan sameeyaa, si buuxda ayaanan wax u sameeyaa.

“Waxa jira waqtiyo aad u baahan tahay isbeddel, sababtoo ah cid walba ayay u fiican tahay. Waxa jira waqtiyo ay tahay in aad joogto iyo waqtiyo kale oo ay tahay in aad tagto, cid walbana ay sidaasi u fiican tahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More