Wargeyska L’Equipe Oo Ogaaday Kooxda Uu Tababaraha U Noqonayo Zinedine

Zinedine Zidane oo iska casilay Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkii hore ayaa lala xidhiidhinayay inuu beddelayo Didier Deschamps oo ah tababaraha xulka qaranka France, laakiin shalay ayaa si rasmi ah uu xidhiidhka dalkaasi u sheegay in uu Deschamps sii joogayo illaa Koobka Adduunka 2022.

Faransiiska oo hal guul oo kaliya ka keenay tartanka qaramada Yurub ee ay kaga hadheen wareegga 16ka, waxay sahaydeen gacanta Switzerland oo rikoodheyaal ku garaacday.

Ciyaartii ay kaga hadheen tartanka ayaa qas iyo rabshad u horseedday ciyaartoyda xulka, waxaana qolka lebbiska isku qabsaday dhawr ciyaartoy, taas oo keentay in warbaahinta Faransiisku su’aal geliso awoodda Didier Deschamps u leeyahay inuu xakameeyo xiddigihiisa.

Intan oo kali ah ma ahayn, waxaase u dheerayd in kulankaas uu mid ka mid ah ciyaartoyda xulku iska diiday inuu soo baxo, xilli uu tababaruhu doonayay inuu beddelo.

Zidane oo isaguna shaqada ka tegay maalmo ka hor intii aanu tartanka Euro bilaabmin, waxay warbaahintu sheegaysay in uu yahay ninka sugaya shaqadan, taasna waxa dabka kusii shiday Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo xusay in uu sugayo kaliya shaqadaas.

Si kastaba, wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa shaaciyey qorshaha Zinedine Zidane ee kaddib markii uu xidhiidhka Faransiisku ogolaaday in Deschamps uu sii ahaado tababaraha xulka.

L’Equipe waxa uu sheegay, in Zinedine Zidane uu doonayo in uu kaliya layliyo kooxda xulka qarankiisa oo uu sugayo inta uu Didier Deschamps dhamaysanayo qandaraaskiisa illaa dhamaadka Koobka Adduunka 2022.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Zidane uu nacay shaqada kooxaha ee culayska badan, sidaas darteedna uu leeyahay samir uu ku sugo shaqada xulkiisa inta ay bannaanaanayso sannad iyo dheeraad kaddib.

Zinedine Zidane ayaa xulka dalkiisa u saftay 108 ciyaarood, waxaanu u dhaliyey 31 gool, isagoo u qaaday Koobkii Adduunka 1998 iyo Euro 2000, halka uu keenay finalka Koobkii Adduunka 2006 oo uu ciyaartii u dambaysay kaadh cas qaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More