WARBIXIN XIISE LEH: Maxaa Dhacaya Haddii Liverpool Iyo Leicester Metropolis

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lasoo gabogabayn doonaa toddobaadka dambe, waxaana koox walba u hadhsan laba kulan oo kaliya.

Kaalmaha saddexaad iyo afraad ayuu wali dagaal adag ka jiraa, waxaana u dhexeeya saddex dhibcood oo kaliya Leicester Metropolis oo saddexaad ku jirta iyo Liverpool oo shanaad fadhida, waxaana tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe ka hadi doonta mid ka mid ah saddexda kooxood ee Liverpool, Chelsea iyo Leicester Metropolis.

Fursadda ugu wanaagsan waxa heshay Liverpool oo ka faa’iidaysan doonta isku-dhaca Chelsea iyo Leicester Metropolis ee Salaasada, waxaana midkooda laga badiyo soo qaban doonta amaba dhaafi doonta Liverpool oo iyaduna la dheelaysa Burnley laakiin u baahan in ay soo badiso.

Rajada Liverpool ee inay kasoo qayb-gasho Champions League xilli ciyaareedka dambe oo hore ugu muuqatay in ay dhamaanayso kaddib bandhig liitay oo ay la yimaaddeen xilli ciyaareedkan iyagoo difaacan kari waayey horyaalka Premier League ee ay 2020 ku guuleysteen, waxa fursaddeedu usoo muuqatay siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay lixna guuleysteen labana barbarreeyeen.

Guul-darradii Chelsea kasoo gaadhay Arsenal Arbacadii iyo guushii ay Liverpool kasoo gaadhay Manchester United iyo West Brom oo afar maalmood gudahood ay kula ciyaaartay, waxay Reds ka dhigtay koox rajo wanaagsan oo iman doonta Champions League xilli ciyaareedka dambe marka bathroom eego kooxaha ka  horreeya ee Chelsea iyo Leicester.

Sababtu waxay tahay, haddii Jurgen Klopp ay kooxdiisu soo guuleysato labada ciyaarood ee u hadhay ee Burnley iyo Crystla Palace, waxay yeelan doontaan 69 dhibcood, taas oo aanay suurtogal ahayn in ay wada helaan Chelsea iyo Leicester Metropolis oo toddobaadkan wada ciyaari doona.

Chelsea oo Sabtidii guul-darro 1-0 ah kala kulantay Leicester Metropolis oo ka qaadday FA Cup iyo sidoo kale Arsenal oo uga sii horreysay oo iyaduna usbuucii hore ka badisay, waxay Blues dhexda u xidhan doontaa sidii ay u garaaci lahayd Leicester, waxaana haddii ay guushaas xaqiijisato ay foodda is-dari doonaan Aston Villa oo ugu xigaysa.

Laakiin Leicester Metropolis iyo Liverpool oo tiradada goolashooduna isku mid yihiin oo min 21 gool leh, ayaa iyaguna isku mid noqon kara dhibco ahaan Salaasada, waxaana haddii ay labadooduba badiyaan min halka kulan ee ugu sii xigaya ay horyaalka ku dhamaysan doonaan dhibco isku mid ah iyadoo ay suurtogalna tahay inay isku goolal noqdaan.

Tusaale ahaan, haddii Chelsea ay 1-0 kaga badiso Leicester Salaasada, sidoo kalena ay Foces 3-0 ku garaacdo Tottenham Axadda, isla markaana ay Liverpool 3-2 iyo 2-1 kaga soo badiso Burnley iyo Crystal Palace, waxay labadan kooxood ee Liverpool iyo Leicester noqon doonaan isku dhibco iyo goolasha ay dhaliyeen oo ay isku mid ka ahaan doonaan, laakiin waxay ku kala duwanaan doonaan tirada goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey.

Haddii ay xaaladdu sidan noqoto maxaa dhacaya?

Haddii ay arrintu sidan noqoto waxa la qaadanayaa rikoodhka kulamadoodii ay iyagu wada ciyaareen xilli ciyaareedkan, taas ayaana lagu kala saarayaa.

Kulankii bishii November ka dhacay Anfield, waxa 3-0 ku badisay Liverpool, halka ciyaartoodii labaad oo dhacday bishii February ay Leicester Metropolis ku aarsatay 3-1.

Goolka uu Mohamed Salah ku dhaliyey King Energy habeenkaas ayaa Liverpool u ciyaari kara door weyn, waxaana uu kooxdiisa siin doonaa fursad ay Champions League ugu soo baxdo haddii xaaladuhu u dhacaan sida aynu sare kusoo sheegnay oo ay dhibco ahaan iyo goolal ahaan ba u sinnaadaan.

Marka labada kooxood lagu kala saari kari waayo kulamadooda ay iyagu wada ciyaareen, waxa markaas la eegaa tirada goolasha ay kusoo dhaliyeen garoomada dibedda kulamadoodaas, kooxda goolasha badata ayaana la siiyaa booska sare.

Laakiin haddii wax walba ay isku mid ka ahaadaan maxaa la samaynayaa? Tusaale ahaan, haddii Liverpool iyo Leicester ay mid walba 3-0 ku badin lahayd, waxa labada kooxood bathroom qaban lahaa ciyaar ay ku kala  baxaan oo garoon dhexdhexaad ah lagu ciyaarayo, laakiin nasiib-wanaag hadda arrintaasi manner ka baxday meesha sababtoo ah Liverpool ayaa gool marti ah kusoo dhalisay King Energy Stadium.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More