WARBIXIN: Waa Kuwan Afarta Maalmood Ee Go’aamin Doona Mustaqbalka

Kabtanka Actual Madrid ee Sergio Ramos ayaa wajahaya afar maalmood oo ah kuwa ugu muhiimsan xirfadiisa ciyaareed, maalmahaas ayaa noqon doona Jimcaha maanta ah ilaa Isniinta waxaana uu ku rajo qabaa inay sida uu doonayo wax u noqdaan.

Ugu horreynba Sergio ayaa doonaya in lagu daro safka kooxdiisa ee kulanka Villarreal kaddibna inuu ciyaaro kulanka berrito.

Haddii uu ciyaaro ayuu haddana dooni doonaa inuu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican oo uu kooxda ugu qanciyo in heshiis cusub laga saxeexo oo uu sidoo kale boos kaga helo xulka Spain tartanka Euro.

Ramos ayaa hadda maraya wakhti aad u adag, maalmaha soo socda ayaa noqon doona kuwo muhiim u ah xilli horyaalka La Liga oo hanashadiisu maalmaha ugu dambeeya ku xidhnaan doonto lagu kala guuleysan doono.

Ramos ayaa kaddib 34 maalmood oo uu dhaawac ku maqnaa soo laabtay kulankii ay Chelsea kahor tageen ee Stamford Bridge, waxa uu u muuqday mid garoomada isku soo dedejiyay kaas oo keenay dhaawac kale inuu gaadho.

Soo laabashada Ramos ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Nacho Fernandez iyo Eder Militao qaab ciyaareed sarre kusoo bandhigeen kooxda bilihii ugu dambeeyay.

Zidane ayaa og inuu Ramos u baahan yahay inuu qaab fiican u ciyaaro, marka laga yimaado heshiiskiisa waxa uu sidoo kale ku xidhnaan doonaa kulankaasi go’aanka uu tababare Luis Enrique ka gaadhi doono haddii uu Euro u qaadanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More