WARBIXIN: Min Paul Pogba, Ronaldo Ilaa Mbappe – 10-ka Saxeex Ee Ugu
Shabakadda Daily Mirror Sport ayaa samaysay qiimayn ah tobbanka xiddig ee ugu fiican ee saxeexooda qaabka bilaashka ah lagu heli karo suuqa xagaaga ee sanadka dambe.
Suuqa xagaaga ayaa ah mid inta ugu badan lacago qaali ah lagula kala wareego xiddigaha Yurub balse markasta uma baahnid bixinta lacag si aad saxeexa ciyaartoy weyn u hesho.
Tobbanka xiddig ee Mirror ay soo xuleen ayaa ah mid uu hoggaanka u hayo Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan, 22 sano jirkaas oo heshiiskiisa PSG dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu qiimaha badan dunida.
Booska labaad ayuu soo galay Cristiano Ronaldo oo xagaagan lagu waday inuu ka baxayay Juventus balse u muuqda mid baaqday, 36 sano jirkaas ayaa wali haysta darajada ah inuu kamid yahay ciyaartoyda ugu fiican caalamka.
Kaalinta saddexaad ayuu kasoo muuqday Paul Pogba, 28 sano jirka French-ka ah ayaa lala xidhiidhinayaa haatan PSG balse haddiiba ay Man United u ogolaan weydo bixitaan ayuu sanad kaddib bilaash kaga bixi karaa Old Trafford.
Halkan Kaga Boggo Liiska Oo Dhan & Qaabka Loo Kala Horreeyo
1) Kylian Mbappe – Paris Saint Germain2) Cristiano Ronaldo – Juventus3) Paul Pogba – Manchester United4) Leon Goretzka – Bayern Munich5: Lorenzo Insigne – Napoli6) Paulo Dybala – Juventus7) Ousmane Dembele – Barcelona8) Eduardo Camavinga – Rennes9) John Stones – Manchester City10: Gareth Bale – Real Madrid