WARBIXIN: Messi x Suarez, Ronaldo x Benzema – Lammaanayaashii Weerar

Waxa tagay maalmihii lagu ciyaari jiray ee ay koox kastaa doorbidaysay shaxda 4-4-2, kubadda cagta casriga ah ayaa waxyaabo kale kusoo bateen balse wakhtigaas hore ma jirin ama way yarayd koox ku ciyaarta shan daafac amaba saddexley weerar ah.

Taas bedelkeeda kooxaha ayaa ku ciyaari jiray afar daafac oo xoogan, laba khad dhexe, laba garab weerar iyo laba weeraryahan.

Hanaanka ciyaareed ee casriga ah ayaa ka dhigan inay yaraadeen lamaanayaashii weerar ee badnaa balse wali waxa jira ciyaartoy xataa shaxaha cusub ku wada shaqeeya safka weerarka.

Shabakadda 90min ayaa go’aansatay inay qiimayso 30-ka lammaane weerar ee ugu fiican taariikhda kubadda cagta, ciyaartoyda ay shabakaddaasi soo xulatay badhkood ayaa ah kuwo kubadda cagta ka hawl-gabay halka kuwo ay wali garoomada kusii baaqi yihiin.

Xulashadan ayay afka hore ka galeen halyeeyada Real Madrid ee Alfredo Di Stefano & Ferenc Puskas oo iyagu booska 1-aad xorraystay isla markaana ka gacan sarreeya Luis Suarez iyo Lionel Messi oo wakhti qurxan kusoo wada qaatay Barcelona booska 2-aadna fadhiya.

Labaleydii Man United ee Dwight Yorke & Andy Cole ayaa si lama filaan ah booska afraad usoo xidhay iyaga oo ka sarreeya labaleyo caan ah oo ay kamid yihiin Thierry Henry & Dennis Bergkamp, Ronaldo & Rooney iyo xataa Ronaldo & Benzema.

Halkan Ka Dhugo Liiska Oo Dhan

30. Luis Suarez & Klaas-Jan Huntelaar (Ajax)

29. Demba Ba & Papiss Cisse (Newcastle)

28. Robbie Keane & Dimitar Berbatov (Tottenham)

27. Michael Owen & Emile Heskey (Liverpool)

26. Alexis Sanchez & Antonio Di Natale (Udinese)

25. Luis Suarez & Daniel Sturridge (Liverpool)

24. Hulk & Radamel Falcao (Porto)

23. Marcelo Salas & Ivan Zamorano (Chile)

22. Romelu Lukaku & Lautaro Martinez (Inter)

21. Grafite & Edin Dzeko (Wolfsburg)

20. Wayne Rooney & Dimitar Berbatov (Manchester United)

19. Diego Tristan & Roy Makaay (Deportivo)

18. Sergio Aguero & Diego Forlan (Atletico Madrid)

17. Alan Shearer & Chris Sutton (Blackburn)

16. Diego Milito & Samuel Eto’o (Inter)

15. Romario & Hristo Stoichkov (Barcelona)

14. Kevin Keegan & John Toshack (Liverpool)

13. Andriy Shevchenko & Filippo Inzaghi (Milan)

12. Filippo Inzaghi & Alessandro Del Piero (Juventus)

11. Ronaldo & Raul (Real Madrid)

10. Marco van Basten & Ruud Gullit (Milan)

9. Raul & Fernando Morientes (Real Madrid)

8. Wayne Rooney & Cristiano Ronaldo (Manchester United)

7. Kenny Dalglish & Ian Rush (Liverpool)

6. Cristiano Ronaldo & Karim Benzema (Real Madrid)

5. Thierry Henry & Dennis Bergkamp (Arsenal)

4. Dwight Yorke & Andy Cole (Manchester United)

3. Pele & Garrincha (Brazil)

2. Lionel Messi & Luis Suarez (Barcelona)

1. Alfredo Di Stefano & Ferenc Puskas (Real Madrid)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More