WARBIXIN: Lacagta Ay Chelsea Siinayso Tababare Thomas Tuchel & Labada

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa lacag 150 Milyan oo pound ah siin doona tababare Thomas Tuchel suuqa xagaaga ee sanadkan.

Tuchel ayaa saamayn deg-deg ah ku yeeshay Chelsea tan iyo markii uu Frank Lampard kala wareegay kooxda bishii January isaga oo gaadhsiiyay kulamada kama dambaysta ah ee FA Cup iyo Champions League.

Chelsea ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore ku bixisay lacag 253 Milyan oo pound ah iyada oo la wareegtay xiddigo tiro badan oo laga xusi karo Kai Havertz, Timo Werner, Ben Chilwell, Edouard Mendy iyo Hakim Ziyech.

Laakiin sida uu sheegayo markale wargeyska The Solar, Thomas Tuchel ayaa markale taageero ka helo doona madaxda Chelsea waxaana lavatory gacan gelin doonaa 150 Milyan oo pound si uu Man Metropolis horyaalka ugula tartamo sanadka dambe.

Boodhka sarre ee Blues ayaa ah kuwo ku faraxsan shaqada uu Tuchel ka qabtay kooxdooda tan iyo markii uu yimid waxaana ay hadda siin doonaan dhaqaale uu boosas cayiman kusoo xoojiyo.

Booska koowaad ayaa ah in Blues ay baahi weyn u qabaan saxeexa weeraryahan lagu tashan karo iyadoo Tammy Abraham iyo Olivier Giroud labadaba la filayo inay baxaan.

Werner oo xagaagii hore RB Leipzig kaga soo biiray ayaa kaliya 12 gool kusoo dhaliyay 48 kulan oo uu kooxda soo metelay isaga oo kusoo dhibtooday kalsoonidiisa marka uu goolka hor joogo.

Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa daafac dhexe, walow daafacu yahay meesha uu Tuchel horumarka ugu badan kaga sameeyay Blues haddana daafac dhexe oo caalami ah ayaa ka caawin kara inay gaadhaan heerka xiga.