WARBIXIN: Kabtan Ramos Iyo Madaxweyne Perez Oo Kulmay & Fal-Celintii

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inuu Jimcihii xerada tababarka kooxdiisa ee Valdebebas kula kulmay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez oo ay ka wada hadleen markale heshiis kordhin.

Ramos ayaa duhurkii Jimcihii tagay xerada tababarka Valdebebas, shaqsiyaadka arkay ayaa la sheegay inay la yaabeen maadaama oo aysan kabtanka kooxda mudo toddobaad ku dhaw arag.

Isla ilaha laga helay warka ah in Ramos Jimcihii tagay xerada tababarka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Perez isaguna halkaas gaadhay isla markaana ay kulan wada qaateen labada shaqsi.

Kaddib markii uu soo dhammaaday shirkii dhex maray Ramos iyo Perez, wararka ayaa sheegaya in labadoodaba la arkay iyaga oo dhoola-caddeynaya oo u muuqda kuwo faraxsan.

Taasi ma la micno tahay in 35 sano jirkaasi uu haatan aqbalay inuu saxeexo heshiiska halka sano ah ee ay kooxdu usoo bandhigtay? ma xaqiijin karno balse ilaha qaar ayaa xusaya in Ramos uu ogolaaday qandaraaskaas.

Marka hore wadahadalada heshiis kordhin cusub oo uu sameeyo Ramos ayaa u muuqday kuwo dhintay iyadoo labada dhinac ay qabeen aragtiyo kala duwan, Sergio ayaa doonayay heshiis laba sano ah halka Perez uu kaliya hal sano diyaar ula ahaa.

Real Madrid ayaa marka hore qabtay in 35 sano jirkaasi uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay koox kale maadaama oo sharciga FIFA uu u ogolaanayo marba haddii uu lixda bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa galay.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Ramos uu shaqsiyaad isaga u dhaw u sheegay inuu heshiis la gaadhay PSG halka ay sidoo kale soo baxeen warar la xidhiidhinayay Manchester City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More