WARBIXIN: Henry, Vieira Iyo Bergkamp Oo Bilyaneer Ka Caawinaya Inuu

Sida uu sheegayo wargeyska ree England ee The Telegraph, Bilyaneerka ree Sweden ee Daniel Ek ayaa gudbinaya dalab uu ku doonayo inuu iibsado kooxda Arsenal isaga oo caawimo ka helaya halyeeyada kooxdaas ee Dennis Bergkamp, Theirry Henry iyo Patrick Vieira.

Ek oo ah shaqsiga aas-aasay shirkadda muusiga ee Spotify ayaa toddobaadkii hore soo bandhigay xiisaha uu u qabo inuu iibsado Arsenal xilli ay jireen mudaharaado lagaga soo horjeedo mulkiilaha hadda ee Gunners ee Stan Kraonke.

Jimcihii ayay ahayd markii uu Ek bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Ka wiil yar oo koraya ahaan, waxaan jeclaa Arsenal ilaa inta aan xasuusan karo, haddii KSE ay jeclaan lahaayeen inay iibiyaan Arsenal waan ku faraxsanaan doonaa inaan iibsado”

Ek ayay hantidiisu tahay 3.38 Bilyan poun oo u dhiganta 4.7 Bilyan euro sida lagu sheegay warbixiyaha Forbes, sanadkii 2017 ayay ahayd markii wargeyska ree Maraykan ee Billboard uu u doortay ganacsadaha ugu saamaynta badan ee xaga muusiga.

Wakhti xaadirkan lama oga qadarka lacagta ah ee uu Bilyaneerka ree Sweden ku doonayo Arsenal, si kastaba, agaasimaha Arsenal ee Josh Kraonke ayaa sheegay in qoyskoodu aysan wax dareen ah oo ay inay iibiyaan kooxda hadda qabin.

 

Your browser doesn’t assist the audio ingredient.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More