Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.
Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.
Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Khamiis ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.
Arsenal ayaa loo bandhigay fursad ay kula saxeexan karto laacibka khadka dhexe uga ciyaara Inter Milan ee Christian Ericksen toban bilood kaddib markii uu 28 jirkani ka tegay Tottenham. (ESPN)
Inter Milan waxay isku dayaysaa inay lasoo saxeexato weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo 34 jir ah, lana sheegayo inuu doonayo inuu iskaga tago Chelsea bisha January. (Calciomercato)
Gunners waxay raadinaysaa laacibka khadka dhexe ee reer Hungary ee Dominik Szoboszlai oo u ciyaara RB Salzburg, waxaanay ku dagaallamayaan RB Leipzig oo iyaduna doonaysa 20 jirkan. (Football Insider)
Everton ayaa dusha kala socota saddex ciyaartoy oo Tottenham ka tirsan oo ay doonayso inay kala soo wareegto bisha January. Goolhayaha reer Argentina ee Paulo Gazzaniga oo 28 jir ah iyo labada ciyaartoy ee reer England ee khadka dhexe ee Dele Alli iyo Harry Winks oo 24 jirro ah ayuu Ancelotti doonayaa. (Football Insider)
Difaaca reer France ee Willian Salbia oo 19 jir ah ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaharkiisa toddobaadlaha ah ee dhan £90,000 Gini, si uu bisha January uga baxo Arsenal. (Mirror)
Kubbad-sameeyaha West Ham United ee Declan Rice oo 21 jir ah ayaa sheegay ‘inay muhiim tahay in koobab lagu guuleysto’ xilli ay suuqa ku jiraan hadal hayn ah in laga yaabo in bisha January uu u wareego Chelsea. (Metro)
Laacibka koox la’aanta ah ee Jack Wilshere oo 28 jir ah ayaa sheegay inay riyo u tahay inuu dib ugu biiro Arsenal kaddib markii ay sii daysay West Ham. (Sun)
Bartilmaameedka Real Madrid ee Eduardo Camavinga ayaa caydhiyey wakiilkiisa xilli ay isasoo tarayaan wararka ku xidhiidhinaya inuu ka tegayo kooxdiisa.