WAR LA SUGAYEY: Van Dijk Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaartey Haddii Uu

Difaaca Liverpool, ahna kabtanka xulka qaranka Holland ee Virgil van Dijk ayaa go’aan rasmi ah ka gaadhay haddii uu waddankiisa kala qayb-gelayo tartanka qaramada Yurub ee bisha dambe ee June bilaabmi doona.

Van Dijk ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo horraanta bishii October ee sannadkii hore markaas oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar ay kooxdiisu la lahayd Everton, ayaa waxa uu maqnaa xilli ciyaareedkan oo dhan marka laga reebo dhawr kulan.

Laakiin laacibkan ayaa tababarka dib u bilaabay isagoo wali si gaar ah kalidii u samaynaya, waxaana la filayaa in usbuucyada soo socda uu si buuxda tababarka ula qaadan doono ciyaartoyda kooxdiisa.

Van Dijk ayaa hunguri kaga jiray in uu waddankiisa u ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee xagaaga, waxaana sidaas oo kale rajaynayay tababare Frank de Boer oo ugu dambayntii go’aanka u dhaafay Van Dijk oo isaguna maanta warkiisa caddeeyey.

29 jirkan ayaa sheegay in kaliya uu isku diyaarin doono xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22, isla markaana aanu qayb ka noqonin tartanka Euro 2020.

“Waxa aan dareemayaa jidh ahaan, in o’aanka ugu habbooni uu yahay in aanan ciyaarin Euros oo aan galo wajiga ugu dambeeya ee soo kabashadayda marka uu xilli ciyaareedku fasaxa noqdo. Waxa kaliya oo aan diiradda saarayaa ciyaaraha ka horreeya bilowga xilli ciyaareedka ee kooxda, taas ayaa ah bartilmaameedka macquulka ah.” Ayuu yidhi Van Dijk.

Difaaca reer Netherlands ayaa kooxdiisu ay dhibaato weyn dhex gashay markii uu isagu dhaawacmay, sidoo kalena ay soo raaceen Joe Gomes oo bishii November ee sannadkii hore dhaawacmay iyo Joel Matip oo aan waxba ka dambaynin, halka Jordan Henderson uu isaguna dhaawac u jiifay bilihii ugu dambeeyey.

Reds ayaa qarka u saaran in ay ka maqnaato tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, isla markaana ay ka ciyaarto Europa League.