WAR LA SUGAYAY: Eden Hazard Oo Doonaya Inuu Iskaga Tago Real Madrid &
Saxafiga aadka looga ixtiraamo dalka Spain ee Edu Aguirre ayaa shaaca ka qaaday war xasaasi ah oo ah in garabka Real Madrid ee Eden Hazard uu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas kuna laabto kooxdiisii hore ee Chelsea.
Sida uu sheegayo saxafi Aguirre oo ka hawl-gala muuq-baahiyaha El Chiringuito, Hazard ayaan ahayn mid ku faraxsan Real Madrid waxaana intaas u dheer cabsi uu ka qabo in imaatinka Kylian Mbappe uu sii xumeeyo fursadiisa ciyaareed.
Hazard ayay labadiisii sano ee ugu horreeyay ee caasimada Spain soo dishoodeen dhaawacyo xidhiidh ah isaga oo ku fashilmay inuu qaab ciyaareed ay dad badani la dhacaan soo bandhigaan..
Hazard ayaa bishii June ee 2019 kusoo biiray Real Madrid isaga oo qalinka ku duugay heshiis ilaa 2024 ah kaddib markii ay Los Blancos ka bixiyeen lacag 100 Milyan oo euro ah oo ay gunnooyin kale dheer-yihiin, toddobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii markale dhaawac looga saaray kooxdiisa kulanka ugu dambeeya ee La Liga.
Hazard ayaa 43 kulan oo horyaalka ah usoo ciyaaray Real Madrid laba sano isaga oo shan gool soo dhaliyay siddeed kalena caawiye kasoo ahaa.
Xilli ciyaareedkan ayuu Eden 896 daqiiqo soo ciyaaray 21 kulan gudahood taas oo ka dhigan inuu daqiiqad kasta oo uu kooxda 2020-21 u ciyaaray ay kooxda ugu fadhido lacag 40,000 oo pound ah taas oo muujinaysa sida uu gaabis u yahay.
Hazard ayaa isku dayi doona inuu diirada saaro tartanka Euro oo uu xulkiisa Belgium ugu horreyn ka saaro Group-ka ay la wadaagaan Ruushka, Finland iyo Denmark.