WAR CUSUB: Cristiano Ronaldo Oo Kabtanka Juventus
Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayay soo baxeen warar sheegaya inay masuuliyada kabtanimo ee kooxdeeda ku wareejinayso weeraryahan Cristiano Ronaldo xilli la filayo in kabtanka hadda ee Georgio Cheillini uu dhammaadka xilli ciyaareedkan iskaga tagayo kooxda.
Xilli ciyaareedkan 2020-21 ayaan ahayn mid u wanaagsan Juventus oo aan markan kaliya ku dhibtoon tartanka Yurub ee Champions League balse sidoo kale waayaysa horyaalka Serie A oo ay sagaalkii sano ee ugu dambeeyay kusoo guuleysanaysay.
Kooxda uu hoggaaminayo tababare Andrea Pirlo ayaa wareega 16-ka kaga hadhay CL iyagoo ku hadhay gacmaha kooxda FC Porto halka ay booska saddexaad ka joogaan kala sarreynta horyaalka.
Qaab ciyaareedkaas aadka u liita ayaa suurogal ka dhigaya in taageerayaasha kooxdu ay dalbadaan in tababare cusub kooxda la keeno xilli ciyaareedka dambe, iyadoo wali mustaqbalka Pirlo uu yahay mid cirka ku shareeran ayay sidoo kale kooxdu kabtan cusub yeelan kartaa.
Marka uu taamka yahay ee uu ciyaarayo, Cheillini ayaa hadda ah kabtanka koowaad ee Juventus laakiin daafacaas oo hadda 36 sano jir ah heshiiskiisa kooxduna dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa la filayaa inuu iskaga huleelo Allianz Stadium.
Sida hadda lagu sheegay wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport, Cheillini ayuu masuuliyadaas ka bedeli karaa Ronaldo balse waxa sidoo kale dookh kale ah da’yarka daafaca dhexe ee Matthijs De Ligt oo qaan-gaadhnimadiisa qofnimo ay ka weyn tahay da’diisa.
Halyeeyga ahna 42 sano jirka kooxda ee Gianluigi Buffon oo isagu hore kabtanka mudo dheer usoo ahaa Juve ayaa markale ka cudur daartay darajadaas maadaama oo uu sanad kooxda kaga maqnaa Paris Saint-Germain.
Buffon ayaa sidoo kale la xasuustaa in Cheillini uu usoo jeediyay inuu kabtanimada kooxda ku wareejiyo markii uu PSG ka tagay ee uu Juventus dib ugu laabtay balse Buffon ayaa wakhtigaasna diiday.