Waqtiga Xamaasada Daawashada Premier League Ay Soo Noqoneyso
Taageerayaasha kubada cagta ayaa dib loogu ogolaan doonaa garoomada bisha soo socota sida ay sheegayaan warbaahinta Ingariiska.
Kooxaha Premier League iyo Football League ayaa dib ugu soo dhaweyn doona taageerayaasha garoomada sida lagu ogaaday qorshe ay wado dowlada Ingariiska, sida ay sheegtay Daily Mail.
Wasaaraha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Isboortiga ayaa la sheegay inay gudbisay hindisaha taageerayaasha loogu ogolaanayo garoomada gaar ahaan magaalooyinka uu ku yar yahay cudurka Korona Faryas taasoo noqoneysa markii ugu horeysay ee taageerayaasha Ingariiska loo ogolaado garoomada tan iyo bishii Maarso.
Inkastoo aysan dowlada weli si rasmi ah u aqbalin hindisahaan hadana inay ku lug leedahay wasaaraha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Isboortiga ayaa dhiirogelin u ah Premier League.
Maanta oo Talaado ah, France waxay xaqiijisay inaan taageerayaasha loo ogolaan doonin garoomada ilaa iyo bisha Janaayo ee sannadka cusub.
Taageerayaasha kubada cagta ayaa si weyn u doonaya inay dib ugu laabtaan garoomada halka isboortiga kale loo ogolaaday taageerayaasha inkastoo ay tiro xadidan yihiin.
Bishii la soo dhaafay, tababaraha West Ham David Moyes ayaa ka hadlay sida uu uga careysan yahay in taageerayaasha loo diiday garoomada kubada cagta.
Tababaraha reer Scotland ayay la yaab ku noqotay in kulankii West Ham iyo Man City lagu ciyaaray garoon faaruq ah balse meel u jirta garoonka 10 daqiiqo oo socod ah ay taageerayaasha ciyaarta ku daawadeen shaneemo.
Moyes ayaa yiri: “Dadku waxay ciyaar ku daawanayaan shaneemo weliba halkaan u dhow, waa maxay sababta aysan meel banaan oo hawo leh u fariisan karin una daawan karin ciyaarta?
“Fadlan qof ii sharaxo ha soo baxo, waa maxay sababta aan garoonka loogu daawan karin ciyaarta?”