WALWAL: Malaayiin Cayayaan Ah Oo Laga Cabsanayo Inay Qabsadaan Wembley
Finalka Euro 2020 ee garoonka Wembley ee Axadda ee England iyo Talyaaniga, waxa laga cabsi qabaa in ay garoonka ku degaan malaayiin cayayaan duulaya ah, kuwaas oo kusoo beegan magaalada London xilliga ay ciyaartu socoto.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegeen Wembley ayaa noqon kara meel ay ku dhibaatoodaan ciyaartoyda iyo taageereyaashu, isla markaana ay ku habsadaan malaayiin cayayaan duulaya ah, kuwaas oo aanay sheegin in ay yihiin nooca dadka qaniina iyo in kale.
Warka ayaa intaa ku daray, in raadaaradu qabteen nooc ka mid ah qudhaanjada baalashada leh ee duusha, in ay kusoo beegan tahay magaalada London, taas oo tiradeedana malaayiin lagu qiyaasay.
Muuqaallo ay ka sameeyeen warbaahintu ayaa waxay sheegayaan in roobabka da’aya iyo dabaysa socota ay soo kaxaynayaan cayayaanka, jihadooduna tahay dhinaca magaalada London.
Adam Hart oo bare ka ah jaamacadda University of Glaoucestershire ayaa u sheegay telefishanka Sky News, in haddii xaaladdu ku socoto sida ay hadda tahay uu garoonka Wembley noqon doono mid dharka ciyaartoyda ay qariyaan xayayaan duulaya.
Kirsty McCabe oo isaguna ka tirsan Sky News ayaa waxa uu sheegay in raadaarada lagu eego cimillada ee xafiiska Met Office ay soo qabteen cayayaanka oo kusoo waajahan London. Waxa uu intaas raaciyey, in raadaaradu ay bixinayaan signalo badan oo muujinaya in cayayaan aad u badan soo socdo.
Our radar is picking up more than just #rain this morning – it’s actually insects!
Whilst there are a few rain showers, many of the echoes are in fact insects ?#FlyingAnts #FlyingAntDay pic.twitter.com/ZWEyaxTnkD
— Met Office (@metoffice) July 9, 2021
Si kastaba, run iyo been, khuraafaadka Ingiriiska ama jiho-wareerin, midka ay u noqotaba waxa la sugayaa berri iyo haddii sida ay sheegayaan wax u dhacaan.