“Waligay Waqti Sidan Oo Kale Iigu Adag Ima Soo Marin,

Paul Pogba ayaa markii ugu horreysay ku furtuuray tababare Ole Gunnar Solksjaer oo la miciinsadayy kursiga kaydka, waxaanu xaqiijiyey in aanu ku faraxsanayn doorka laga siinayo kooxda.

Laacibka reer France waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ku jirto waqtigiisii ugu adkaa intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray, xilli uu kasoo muuqday 10 ciyaarood dhamaan kulamadii Premier League iyo Champions League ee xili ciyaareedkan, kuwaas oo qaarna uu beddel kusoo galay kuwo kalena uu kusoo bilowday.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysan yahay inuu saluug badan ka qabo qaab ciyaareedka Paul Pogba oo isaguna bandhig fiican kaga jawaab celiyey kulankii Portugal ay 1-0 kaga badiyeen Sabtidii, taas oo waqti dambe la saaray.

Waraysi uu siiyey warbaahinta RTL ayuu Pogba ku sheegay inuu ku jiro waqtigii ugu adkaa xirfaddiisa, balse uu culayska kaga nafisay ciyaaraha qaranka France, waxaanu yidhi: “Waligay ma garanayo waqti igaga adag intii aan xirfadda kusoo jiray.

“Kooxda qaranku waxay ii tahay hawo beddel, sababtoo ah, waa kuwo cajiib ah.”

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa hore u shaaciyey inay ka caawinayaan Pogba sidii uu u heli lahaa bandhiggisii fiicnaa, waxaanu yidhi: “Wuxuu ku jiraa xaalad kooxdiisa aanu ku faraxsanayn, sidoo kalena aanay ciyaartiisu gaadhsiisnayn heerkii ugu fiicnaa.

“Kuma jiro waqtigiisii wanaagsanaa, sababtoo ah waxa soo gaadhay dhaawacyo badan iyo Covid-19 oo si adag ugu dhacay. Wuxuu u baahan yahay inuu helo firfircoonidii.”

Pogba ayaa helaya fursad kale oo uu bandhig fiican ku samayn karo marka xulka qarankiisa France uu Salaasada waajaho Sweden oo ay ku ballansan yihiin kulan ka tirsan UEFA Nations League.

Sabtida toddobaadka soo socda ayay Manchester United iska hor iman doonaan West Ham United oo ay ku martigelin doonto Old Trafford, taas oo uu rajaynayo inuu dib u heli doono doorkiisii ku soo bilaabashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More