Waatan Shaxda Aan La Loodin Karin Ee Ay Arsenal Doonayso Inay Ku
Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexa khadka dhexe ee kooxda Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves, shabakadda Express Sport ayaa hadda isku day-day inay qiyaasto shaxda ay kooxdaasi ku dagaalami karto xilli ciyaareedka dambe.
Suuqa xagaagan ayaa la filayaa inuu mid mashquul ah ku noqon doono Arsenal iyo madaxeeda suuqa kala iibsiga ee Edu Gaspar.
Xilli ciyaareedkii dhammaaday ayaa ahaa mid qalbi-jab ku ahaa Gunners oo booska 8-aad kusoo dhammaystay isla markaana markii ugu horreysay mudo 25 sanadood ah ayay seegeen tartamada Yurub.
Saxeexyo cusub ayaa Arsenal muhiim u noqon doona si ay markale ugu tartamaan afarta kaalmood ee sarre oo ay ugu soo baxaan Champions League oo ay xilli ciyaareedkii shanaad oo xidhiidh ah seegi doonaan 2021-22.
Haddaba, goolhayaha shaxda Express Sport ayaa ah Andre Onana oo Ajax ka tirsan, shabaq ilaaliyaha ree Cameroon ayaa lala xidhiidhinayaa Gunners xilli Bernd Leno oo hadda dookha koowaad u ah Gunners la sheegayo inuu bixitaan doonayo.
Labada daafac dhexe ayaa ah Gabriel Magalhaes oo xilli ciyaareedkii dhawaa u ahaa mid isku-dhafan iyo William Saliba oo kasoo laabanaya amaah uu horyaalka Ligue 1 ugu maqnaa.
Daafaca midig ayaa ah da’yarka Norwich City ee Max Aarons oo Arsenal u doonayso bedelka Bellerin oo baxaya halka uu daafac bidix yahay Kieran Tierney.
Saddexda khad dhexe ayaa ah Ruben Neves ay Wolves ka doonayaan, Martin Odegaard oo amaah ugu soo ciyaaray balse ay si rasmi ah uga rabaan Real Madrid iyo Thomas Partey oo sanadkiisii labaad ee Emirates isku diyaarinaya.
Saddexleyda weerar ayaa ah Bukayo Saka oo ah xiddigii xilli ciyaareedkii hore ee Arsenal, kabtan Pierre Emerick Aubameyang iyo Moussa Dembele oo Atletico Madrid amaah kaga soo laabanaya kuna laabanaya kooxdiisa Lyon, taas ayaa ka dhigan in Alexandre Lacazette uu meesha ka baxayo.