WAALLI: Jamaahiirta AC Milan Oo Jidka Ku Qabsaday Donnarumma Iyo

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa waalli sameeyey shalay, waxaanay jidka u galeen goolhaye Gianluigi Donnarumma ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ay kooxdaasi 2-0 kaga badisay Benevento ee ay kusoo galeen kaalinta labaad ee horyaalka Serie A.

Goolhayahan 23 jirka ah oo qandaraaskiisu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa waxay jamaahiirta dhexda u gashay sababeen in Milan ay joojiso dhamaan wada-hadalladii heshiisyo kordhinta ahaa ee ay kula jirtay ciyaartoydeeda.

Paolo Maldini oo ah agaasimaha farsamada Milan ayaa xaqiijiyey in kooxdu hakisay wada-xaajoodyadii heshiisyo cusboonaysiinta ee ay kula jirtay ciyaarteeda illaa inta uu xilli ciyaareedku dhamaanayo.

Hadalka Maldini ayaa yimid iyadoo ay soo baxday in shalay ay taageereyaasha Milan iyagoo cadhaysan weerareen Gianluigi Donnarumma oo ay muuqato in uu bilaash kaga tegi doono kooxda.

Arrintan ay taageereyaashu sameeyeen ayaa waxay imanaysaa iyadoo AC Milan ay toddobaadka dambe la ciyaari doonto Juventus, halka Inter Milan ay qarka u saaran tahay in ay horyaalka ku guuleysato.

Stefano Pioli ayay kooxdiisu halis ugu jirtaa in ay ka maqnaato afarta sare, haddii ay guuleysan weydo kulanka Juventus ee Axadda toddobaadka dambe.

Si kastaba, Gianluigi Donnarumma ayay wararku sheegayaan in uu si xor ah uga tegi doono Milan marka uu dhamaado xilli ciyaareedku, waxaana lala xidhiidhinayaa Juventus, waana sababta ay taageereyaasha Milan weerarka ugu qaadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More